Madaxweynaha Hirshabelle oo xilka ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Shabellaha Dhexe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xilka ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Shabellaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan.

Madaxweynaha ayaa digreeto ka soo baxday xafiiskiisa xilka uga qaaday Gudoomiyaha, isagoona mid kale magacaabay.

Maxamuud Maxamed Nuur ayaa loo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha xigga ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Gudoomiye Makaraan ayaa xilkan soo hayay, tan iyo bishii February ee sanadkii 2017, waana markii ugu horreysay ee Madaxweyne Guudlaawe uu is bedel ku sameeyo hoggaanka gobolka.

Is bedelkan ayaa imaanaya, xilli lagu wado in deegaanada Hirshabelle ay dib uga bilowdaan hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.