Madaxweynaha Hirshabelle oo xilka ka qaaday Wasiirkii Maaliyadda
Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Maaliyadda & Horumarinta Dhaqaalaha, Cali Cabdulle Nuur.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hirshabelle ayaa waxaa xilkaasi loogu magacaabay Cabdiraxiin Ciise Caddow.
Madaxweynaha ayaa is bedelkan sameeyay, ka dib markii uu garowsaday muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo dardargeliyo howlaha baaxadda leh ee horyaalla Wasaaradda Maaliyadda.
Dhanka kale Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxa uu xilka ka qaaday Wasiir Kuxigeenkii Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka, Xasan Cabdi Yuusuf, isagoona jegadaas u magacaabay Cumar Maxamed Cumar.





