Madaxweyne Kuxigeenkii Malawi oo ku geeriyooday shil diyaaradeed

Madaxweyne Kuxigeenka Malawi, Saulos Chilima iyo sagaal qof oo kale ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen shil diyaaaradeed oo ka dhacay waqooyiga dalkaasi.

Madaxweyne Kuxigeenka iyo xubnaha la socday ayaa ka ambabaxay Caasimadda Lilongwe, iyagoona ku sii jeeday Magaalada Mzuzu.

Madaxweyne Kuxigeenka oo ku safrayay diyaarad militari ayaa la waayay Isniintii, ka dib markii diyaaradda ay lumisay xiriirkii isgaarsiinta.

Lazarus Chakwera, Madaxweynaha Malawi ayaa maanta ku dhawaaqay geerida kuxigeenkiisii, ka dib markii burburka diyaaradda laga helay dhul buuraley ah oo ku yaala waqooyiga dalkaasi.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in maalin ka dib la helay bururka diyaaradda.

Madaxweynaha ayaa xusay inaysan jirin cid ka badbaaday shilka diyaaradda, dhammaan dadkii la socday oo Madaxweyne Kuxigeenka uu ku jirayna ay ku dhinteen.

Saulos Chilima iyo xubnaha kale ee safka ku wehlinayay ayuu ujeedkoodu ahaa in ay Magaalada Mzuzu kaga qaybgalaan aaska Wasiir hore.

Chilima ayaa Axaddii uun ka soo laabtay booqasho uu ku tegay dalka Kuuriyada Koonfureed, iyadoo Isniintiina uu shilkan la kulmay.

Kooxaha samatabixinta iyo Ciidamada Qalabka Sida ayaa saacado badan baadigoob ugu jiray diyaaradda, ka dib markii la waayay wax yar uun ka dib 45 daqiiqo oo ay duulimaad kaga soo maqneyd magaalo madaxda dalkaasi ee Lilongwe. 

Diyaaraddan ayaa ahayd mid ay leeyihiin ciidamada dalkaasi.