Madaxweyne Ruto oo digniin u jeediyay Mucaaradka Kenya ee dibadbaxyada abaabulaya

Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto ayaa ka digay dibadbaxyada ay Siyaasiyiinta Mucaaradka ku dhawaaqeen in ay dalka dib uga bilaabi doonaan.

Mucaaradka ayaa sheegay in ay Talaadada berrito dib u bilaaban doonaan dibadbaxyadii ay Dowladda Madaxweyne Ruto kaga soo horjeedeen, oo markii hore ay u hakiyeen wada hadalo ay la bilaabeen dowladda.

Madaxweynaha oo ka hadlay dibadbaxyada ay mar kale qorsheynayaan Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo taageereyaashooda ayaa ku hanjabay in ay gacan bir ah kaga hortagi doonaan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay ilaalin doonaan ammaanka muwaadiniinta, ganacsigooda iyo weliba danahooda.

"Waxa ay la kulmi doonaan awood buuxda oo xagga sharciga ah, waana ilaalin doonnaa muwaadiniinta, ganacsigooda, danahooda iyo shaqooyinkooduba, si aanu u xaqiijino in aan leenahay dalkaas oo ku dhisan aasaas adag oo sharciga ah." Ayuu yiri Madaxweyne Ruto.

Taliyaha Booliska Nairobi, Adamson Bungei ayaa bulshada ku dhaqan Caasimadda Nairobi ugu yeeray in ay ka fogaadaan bannaanbaxaasi, ay dowladdu ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Taliyaha ayaa xusay in dibadbaxyadu ay xambaarsan yihiin falal isugu jira dil, dhac iyo burbur hantiyadeed, isla-markaana aanay aqbali doonin.

Muwaacadka ayaa u muuqda kuwo ka dhega adeygaya farriimaha diidmada ah ee uga imaanaya dowladda.

Dibadbaxyada ay Mucaaradku 20-kii bishii March ka bilaabeen dalkaasi ayaa saameyn weyn oo dhanka amniga ah ku yeeshay Magaalada Nairobi.