Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay saddex sharci

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya hirgelinta hannaan dowladnimo oo ku dhisan sharci iyo xeerar nidaamiya hay’adaha iyo awoodda dowladda ayaa saxiixay saddex sharci.

Madaxweynaha ayaa saxiixay Sharciga Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Hay'adda Sirdoonka & Nabad Sugidda Qaranka iyo Sharciga Korontada Qaranka.

Munaasabadda saxiixa sharciyadan oo ka qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxweynuhu waxa uu uga mahadceliyay Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, sida ay u turxaan bixiyeen shuruucdan, dadaalkana ugu bixiyeen in ay noqdaan kuwa ka tarjumaya baahiyaha iyo duruufaha ku xeeran dalka.

“Dal casri ah oo qawaaniintu sarreyso ayaan rabnaa, dalkani dowladdiisa tallaabo kasta oo ay qaadeyso hadday horumar tahay, amni tahay, siyaasad tahay dhammaan waxaa ay ku saleysnaanayaan sharciyo.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in wada shaqeynta hay’adaha fulinta iyo sharci dejintu ay horseeday in la dhameystiro sharciyo badan oo muhiim u ah dalka, kuwaas oo uu ka mid yahay Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, oo noqonaya sharcigii ugu horreyay ee hagaya hay’adda, tan iyo markii la aasaasay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladdu ay gacan kula dagaalameyso maleeshiyada Al Shabaab, dalkana ka xoreynayso, halka gacanta kale lagu dhameystirayo shuruucda iyo xeerarka hagaya Dowladnimada Soomaaliyeed oo ku suntan sarreynta sharciga iyo qaanuunka.

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli Xildhibaanada Golaha Shacabka ay maanta ansixiyeen Sharciga La dagaalanka Argagixisada, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Amniga Gudaha.