Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilal u magacaabay Madaxdii hore ee Galmudug iyo Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilal u magacaabay Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug iyo Hirshabelle, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Maxamed Cabdi Waare.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Maxamed Cabdi Waare u magacaabay in uu noqdo Ergayga Gaarka ee Xasillinta & Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaalada.
"Madaxweynaha oo mudnaanta koowaad siinaya qorshihiisa xakameynta khasaaraha rayidka si aysan waxyeelo uga soo gaarin dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha ay ka socdaan hawlgalada dalka looga sifeynayo argagixisada Al Shabaab ayaa qaybaha kala duwan ee Talisyada Ciidamada Qalabka Sida ku adkeeyay in ay si dhow ula shaqeeyaan Ergayga Gaarka ah ee Xasillinta & Ilaalinta Arrimaha Rayidka." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxa uu Cabdikariin Xuseen Guuleed u magacaabay Ergayga Arrimaha Somaliland.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu yiri "Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay ka go'an tahay xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wada hadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira ee ay qabaan walaalaheenna ku nool Gobolada Waqooyi ee Somaliland."
Qoraalka ayaa lagu sheegay "Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa khibrad wanaagsan u leh arrimaha dib-u-heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo marxaladihii kala duwanaa oo ay soo mareen wada hadalada Dowladda Federaalka Somaliya iyo Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si degdeg u faray Ergayga in uu diiradda saaro, sidii loo ambaqaadi lahaa wada hadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland, isagoo qaadanayaa doorkiisa hoggaamineed ee ku saleysan xal u helidda caqabadaha ku gadaaman wada hadalada."


