Mareykanka oo khubaro u diraya dalka Suudaan

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay khubaro u direyso dalka Suudaan, si ay kaga jawaabaan digniinaha ku aaddan masiibooyinka bani'aadanimo ee dalkaasi ka soo yeeraya, ka dib dagaalkii 15-kii bishan ka qarxay Magaalada Khartoum.

Madaxa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ee USAID, haweeneyda lagu magacaabo Samantha Power ayaa sheegtay in kooxda khubarada ahi ay isku-duba ridi doonaan gurmadka bani'aadanimada ee la gaarsiinayo dadka dalkaasi.

Waxay sheegtay in kooxdu ay wejiga hore ka hawlgali doonaan dalka Kenya, isla-markaana ay la shaqeynayaan Beesha Caalamka iyo hay'adaha kale ee caalamiga, si loo ogaado baahiyaha mudnaanta leh oo si ammaan ah gargaarka loo gaarsiin karo dadka u baahan.

"Mareykanku waxa uu abaabulayaa, sidii uu kor ugu qaadi lahaa caawinaadda dadka reer Suudaan, ee ay dabinka u dhigeen dhinacyada ku dagaalamaya dalkaasi." Ayay tiri Samantha Power.

Mallaayiin ka mid ah dadka reer Suudaan ayaa ku xaniban guryahooda Magaalada Khartoum, iyagoona aan helin adeegyadii aasaasiga ahaa ee ay u baahnaayeen.

Dagaalkan ayaa xaaladda uga sii daray dalkaasi, oo markii horeba ay ka jirtay xaalad khatar oo bani'aadanimo, sida uu sheegay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres.