Mareykanka oo sheegay in lala xisaabtami doono kuwa hurinaya colaadda Suudaan

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in lala xisaabtami doono kuwa hurinaya colaadda dalka Suudaan, iyado dhinaca kalena cunaqabateyno ku soo rogtay afar shirkadood oo dalkaasi laga leeyahay iyo shakshiyaad dhowr ah, oo lagu eedeeyay inay kaga sii darayaan xaaladda dalkaasi.
Shirkadaha liiska madow lagu daray ayaa waxaa ka mid ah shirkad qodda macdanta, gaar ahaan dahabka, oo ay gacanta ku hayaan Xoogaga Gurmadka Degdegga, ee uu hoggaamiyo General Mohamed Hamdan Dagalo.
Sidoo kale shirkadahaasi waxaa ku jirta mid kale oo soo saarta hubka, oo dhakhligeeda lagu qiimeeyo ballaayiin dollar, isla-markaana bixisa saanadaha militari.
Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay in cunaqabateyntani ay joojin doonto dhaqaalaha muhiimka ah ee la siiyo kooxaha ku dagaalamaya dalkaasi.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa si kulul u cambaareeyay dagaalka muddada labada bilood ka soconaya Caasimadda Khartoum iyo qaybo ka mida dalkaasi.
Xoghayaha oo booqasho ku jooga dalka Norway ayaa tilmaamay in labada garab ay ku xadgudbeen heshiisyada xabad joojinta ee la gaaray, isagoo intaasi ku daray in lala xisaabtami doono dhinacyada ku lugta leh colaadda Suudaan.
"Hadda waxaynu aragnaa ficilo mar kale ay labada dhinac si cad ugu jebinayaan ballanqaadyadii ay sameeyeen, kuna saabsanaa xabad joojinta. Sidoo kale taasi ma ahan jihada saxda ah ee loo socdo, waana dhab inaysan ahayn wax ay dani ugu jirto shacabka Suudaan." Ayuu yiri Antony Blinken.
Blinken ayaa yiri "Waanu sii wadi doonnaa inaanu ka hawlgalno arrintan, isla-markaana waxaanu eegaynaa tallaabooyinka aanu qaadi karno, si aan u caddeyno ra'yigeenna ku aaddan mid kastoo ka mid ah hoggaamiyeyaasha oo jiho khaldan u wado Suudaan."
Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli Arbacadii uu burburay wada hadaladii ay dhinacyada ku lahaayeen Magaalada Jeddah, Sacuudiga iyo Mareykankuna ay garwadeenka ka ahaayeen.
Hoggaamiyaha Militariga Suudaan, Abdel Fattah al-Burhan iyo Kuxigeenkiisii hore General Dagalo ayay dad badani u arkaan kuwo god dheer ku sii ridaya mustaqbalka Suudaan.
Labadan janaraal ee ugu awoodda badan dalkaasi ayaa 25-kii bishii October ee sanadkii 2021 afgembiyay xukuumaddii rayidka ahayd, ee uu Raysal Wasaaraha ka ahaa Abdalla Hamdok.


