Mareykanka oo xabad joojin degdeg ah ka dalbaday labada janan ee isku haya Suudaan

Dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in xabad joojin laga dhaqangeliyo dalka Suudaan, xilli isku dhacyo hubeysan ay ka socdaan dalkaasi.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa labada janaraal ee ugu awoodda badan dalkaasi ugu yeeray in ay dagaalka joojiyaan, isla-markaana ay xabad joojin ka dhaqangeliyaan dalka.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa si gooni gooni ah khadka teleefanka ugu la xiriiray Hoggaamiyaha Golaha Talada Sudan, General Abdel Fattah al-Burhan iyo Kuxigeenkiisa, General Mohamed Hamdan Dagalo, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.

Waxa uu sheegay in labada dhinacba uu ku adkeeyay in si degdeg ahi looga baahan yahay in xabad joojin lagu gaaro, si gargaarka loo gaarsiiyo dadka u baahan iyo in loo ogolaado Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Magaalada Khartoum in ay si ammaan ah ku joogaan. 

Blinken ayaa sheegay in Washington ay ka walaacsan tahay waxyeelada xoogga leh ee dadka rayidka ah ka soo gaaraya dagaalka u dhaxeeya labada nin ee ku loolamaya awoodda dalkaasi.

In ka badan 180 qof ayaa ku dhintay, 1,800 oo kalena way ku dhaawacmeen dagaalka aan loo meel dayin ee Sabtidii ka qarxay Magaalada Khartoum.

Hadalka Blinken ayaa imaanaya, xilli Wakiilka Midowga Yurub ee Suudaan, Danjire Aidan O'Hara lagu weeraray hoygiisa Caasimadda Khartoum.

Madaxa Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa sheegay in amniga diblomaasiyiinta shisheeye ay masuul ka tahay Dowladda Suudaan.

"Amniga xarumaha diblomaasiyadeed iyo shaqaaluhu, waa masuuliyadda koowaad ee Dowladda Suudaan, waana waajib marka loo eego sharciga caalamiga ah." Ayuu yiri Josep Borrell.

Borrell ma sheegin wax dhaawac ah oo soo gaaray diblomaasiga ugu sarreya ee ka jooga dalkaasi.

Afhayeenka Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Nabila Massrali ayaa sheegtay in xaaladda Danjire Aidan O'Hara ay tahay mid wanaagsan, ka dib weerarkaasi.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa xaqiijiyay inaanay xilligan shaqaalahooda iyo diblomaasiyiintoodaba ka soo daadgureyn doonin dalkaasi.