Martin Griffiths oo qaylo dhaan ka muujiyay xaaladda murugsan ee dalka Suudaan

Martin Griffiths, Madaxa Gargaarka Bani'aadanimada ee Qaramada Midoobey ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaaladda ka sii dareysa ee ka jirta dalka Suudaan.

Waxa uu sheegay in xaaladda bani'aadanimo ee ka jirta dalkaasi ay mareyso meel khatar badan, ayna tahay in si degdeg ah looga jawaabo.

"Tan iyo markii ay iska horimaadyadu ka qarxeen Magaalada Khartoum iyo meelo ka mid ah dalka, xaaladda bani'aadanimada ayaa gaartay meel xun." Ayuu yiri Martin Griffiths, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Arrimaha Bani’aadanimada.

"Agabyada laga ma maarmaanka u ah badbaadada dadka ayaa ku sii yaraanaya xarumaha ugu daran ee magaalooyinka, gaar ahaan Khartoum, qoysaskuna waxay la halgamayaan, sidii ay u heli lahaayeen biyo, cunto, shidaal iyo badeecooyin kale oo muhiim ah. Qiimaha gaadiidka ee ka baxaya meelaha ay dhibaatadu ka jirto ayaa aad kor ugu kacay, taas oo ka dhigeysa kuwa ugu nugul in ay helaan goobo ammaan ah." Ayuu yiri Martin Griffiths.

Waxa uu intaa ku daray "Helitaanka daryeel caafimaad oo degdeg ah, oo ay u baahan yihiin kuwa ku dhaawacmay rabshadaha ayaa si aad ah u xadidan, taasoo kor u qaadeysa khatarta dhimashada laga hortagi karo. Waxyeelada caafimaadka maskaxeed ee carruurta iyo dhallinyarada, waa mid aan la qiyaasi karin."

Martin Griffiths ayaa sheegay in dhaca xoogan ee lagu hayo sahayda gargaarka ay caqabad ku noqotay dadaalada lagu caawinayo dadka rayidka ah, ee ay ka sii dhammaanayaan biyaha, cuntada iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga u ah nolosha.

"Bililiqo baaxad leh oo loo gaystay xafiisyadii iyo bakhaarradii hay’adaha samafalka ayaa inta badan curyaamiyay sahaydeenna, waxaana raadinaynaa habab kale oo degdeg ah oo sahayda lagu keeni karo, si aan u bixino kaalmo dheeri ah. Qaramada Midoobey iyo la hawlgalayaasheena ayaa ku dadaalaya, sidii aan dib ugu bilaabi lahayn wax ka qabashada xaaladda bani'aadanimo ee dalka." Ayuu yiri Griffiths.

Stephane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in António Guterres uu ka walaacsan, waxa ka socdo Suudaan, isla-markaana uu ergey u dirayo dalkaasi, si loo dardargeliyo dadaalada lagu caawinayo shacabka.

Afhayeenka ayaa sheegay in Xoghaye Guterres uu Martin Griffiths u dirayo dalkaasi, si la isugu duba-rido gargaarka la gaarsiinayo dadka u baahan.

"Miisaanka iyo xawaaraha waxa ka socda Suudaan, waa wax aan horey loo arag, oo uga dhicin, marka la eego dhibaatada bani'aadanimo ee sida xowliga ah uga sii dareysa." Ayuu yiri Stephane Dujarric.

Martin Griffiths ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay "Codsiga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, waxaan u socdaa gobolka si aan u soo indha-indheeyo, sidii aan gurmad degdeg ah ugu samayn lahayn mallaayiinta qof ee noloshooda ga'doontay hal habeen."

Griffiths ayaa labada janan ee dagaalamaya ugu baaqay "Si kastaba ha ahaatee, xalka muuqda ee dhibaatadan looga gudbi karo ayaa ah in dagaalka la joojiyo."

Griffiths ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Fariintayda ku socota dhinacyada waa mid aan mugdi ku jirin, waa in la ilaaliyo shacabka iyo kaabeyaasha rayidka. Hubi dadka rayidka ah ee ka cararaya goobaha colaadaha inay maraan marin nabdoon, xushmee shaqaalaha iyo hantida bani'aadanimada, aadna fududeysaan howlaha gargaarka, waana in la ixtiraamo shaqaalaha caafimaadka, gaadiidka iyo tasiilaadka kale, oo jooji isticmaalka aad u adeegsaneyso sida gaashaanka."