Militariga Suudaan oo hakiyay wada hadaladii nabadda ee Jeddah

Taliska Militariga Suudaan ayaa hakiyay ka qaybgalka wada hadaladii nabadda, ee ay Sacuudiga iyo Mareykanka garwadeenka ka yihiin, ayna garabka kale ee hubeysan kula lahaayeen Magaalada Jeddah.
Wada hadalada u dhaxeeya Militariga Suudaan iyo Xoogaga Gurmadka Degdegga ee RSF ayaa horaantii bishii May ka bilowday magaalo xeebeedka Jeddah, si dalka looga dhaqangeliyo xabad joojin heshiis lagu yahay, iyagoona ogolaaday inay ilaalin doonaan dadka rayidka ah, gargaarka bani'aadanimana ay gaarsiin doonaan goobaha ugu daran.
Taliska Militariga ayaa Xoogaga RSF ku eedeeyay in ay dhankooda ka dhaqangeli weyday xabad joojintii ay labada dhinac ku heshiiyeen, isla-markaana ay si joogto ah u jebinayeen heshiisyadii kala dambeeyay ee dalka looga hirgelinayay xabad joojinta.
"Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa go'aansaday in la hakiyo wada hadalada ka socda Jeddah, sababtoo ah maleeshiyada mucaaradka ah oo aysan ka go'neyn fulinta mid ka mid ah qodobada heshiiska iyo ku xadgudubka joogtada ah ee xabad joojinta." Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Taliska Militariga.
Afhayeen u hadlay Ciidamada Militariga oo lagu magacaabo S/guuto Nabil Abdallah ayaa Wakaaladda Wararka AP u sheegay in go'aankan uu jawaab u yahay xadgudubyada soo noqnoqday ee xabad joojinta bani'aadanimo, oo ay ku jirto in Xoogaga RSF aysan weli ka bixin isbitaalada iyo xaafadaha rayidka ee Caasimadda Khartoum.
Tani ayaa sare u sii qaaday cabsida laga qabo in dagaalku uu sii daba dheeraado, qulqulka barakacuna uu noqdo mid aad u baahsan.
RSF oo bayaan soo saartay ayaa dhalleeceysay tallaabada Taliska Militariga ku hakiyay wada hadaladii Jeddah, iyadoona ku eedeysay inuu yoolkoodu yahay in ay xaaladda kaga sii daraan.
Labada dhinac ayaa midba midka kale, si joogto ah ugu eedeynayay inuu jebiyay xabad joojintii ugu dambeysay, oo soconeysay illaa Sabtida.
Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa bayaan ay si wadajira u soo saareen ku sheegay in labada dhinac aanu midna ixtiraamin heshiiskii la gaaray.
Dagaalka oo 15-kii bishii April ka qarxay Magaalada Khartoum ayaa inta la ogyahay, waxaa ku dhintay in ka badan sideed boqol oo qof, halka in ku dhow toddobo kun oo kalena ay ku dhaawacmeen. Khasaaraha ayaana loo maleynayaa in intaasi uu ka badan yahay.


