Militariga Suudaan oo sheegay inaanu xabsiga ka baxsan Ex Madaxweyne al-Bashir

Taliska Militariga Suudaan ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in uu xabsiga ka baxsaday Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Omar Hassan al-Bashir.
Taliska ayaa bayaan ku sheegay in Ex Madaxweyne al-Bashir iyo madax kale oo sarsare lagu hayo isbitaal militari, oo ay boolisku gacanta ku hayaan.
"Al-Bashiir iyo ku dhawaad 30 qof oo kale ayaa loo wareejiyay isbitaalka, ka dib markii ay soo jeediyeen Shaqaalaha Caafimaadka ee Xabsiga Kober, ka hor inta uusan bilaaban dagaal u dhaxeeya ciidamada iyo Xoogaga Taageerada Degdegga (RSF)." Ayaa lagu sheegay bayaanka.
Warka Taliska Militariga ayaa imaanaya, xilli ay maalin ka hor soo baxeen warar sheegaya in al-Bashir uu ka baxsaday xabsigii uu ku xirnaa muddooyinkii ugu dambeysay.
Al-Bashir oo muddo soddon sano soo xukumayay dalkaasi ayay ciidamadu afgembiyeen 11-kii bishii April ee sanadkii 2019, ka dib markii ay dalkaasi gilgileen dibadbaxyo ay dadka reer Suudaan kaga cabanayeen sicir bararka, balse markii dambe isu bedelay mid lagaga soo horjeedo xukunkiisa.
Dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ayaa Ciidamada RSF ku eedeysay in ay jebiyeen 5 xabsi, oo uu ku jiro xabsiga sida weyn loo ilaaliyo Kober ee Magaalada Khartoum.
"Xabsiga Kober ayaa la jebiyay, intii u dhaxeysay 21-kii illaa 24-kii bishan, RSF ayaa xabsiga ka sii deysay maxaabiis." Ayay wasaaraddu ku sheegtay war ay maanta soo saartay.


