Mudaaharaad ay dad ku dhinteen oo ka dhacay dalka Kenya

Mudaaharaad looga soo horjeedo Dowladda Kenya ayaa maanta ruxay dalkaasi, iyadoona Caasimadda Nairobi ay ahayd xudunta mudaaharaadka.

Mudaaharaadkan ayaa ah mid ay dadweynaha Kenya kaga dhiidhinayaan naxariis darrada booliska iyo musuq maasuqa hareeyay hay'adaha dowladda, sida uu bayaan ku sheegay Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka Kenya.

Guddiga ayaa xaqiijiyay in rabshadaha hareeyay bannaanbaxan ay ku dhinteen ugu yaraan sideed qof, 400 oo kalena ay ku dhaawacmeen, oo isugu jira dibadbaxayaal, boolis iyo saxafiyiin.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira kuwo ay haleeshay rasaasta nool nool oo ciidamadu ay mararka qaarkood u adeegsanayeen, si ay u xakameeyaan dibadbaxayaasha, waxaana dhimashada ugu badan laga diiwaangeliyay Magaalada Nairobi.

Dibadbaxayaasha ayaa waxay isku dhaceen booliska, oo adeegsanayay sunta dadka kaga ilmeysiisa, rasaasta cinjirka ka sameysan iyo budad.

Waddooyinka waaweyn ee Nairobi ayaa la arkayay, iyadoo ay isku eryanayaan booliska iyo dibadbaxayaasha, booliska oo doonaya in ay dadkaasi kala eryaan amaba ay qabqabtaan iyo dibadbaxayaasha oo isaga caabinayay dhegxaan.

Wararka ayaa sheegaya in isku dhacoodan uu ka dambeeyay, ka gadaal markii dibadbaxayaasha qaarkood ay taayaro ku gubeen waddooyinka, dhegxaana ay ku jareen, taas oo xanibtay isu socodkii magaalada.

Mudaaharaadka ayaa si weyn u saameeyay magaalada, waxaana ku xirmay goobaha ganacsiga iyo waxbarashada.

Dadka soo qaban-qaabiyay mudaaharaadkan ayaa sheegay inay xusayaan dibadbaxyadii bartamihii sanadkii hore ee 2024 ka dhacay dalkaasi, markaas oo dibadbaxayaashu ay xoog ku galeen Xarunta Baarlamaanka Kenya. Mudaaharaadyada sanadkii hore oo dhallinyarada ay hormuud u ahaayeen ayaa lagu diidanaa canshuur cusub oo dowladdu ay soo rogtay, inkastoo markii dambe ay ka laabatay, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne William Ruto, iyadoo la tixgelinayo rabitaanka dadweynaha.