Qaramada Midoobey oo ka digtay qulqulka qaxootiga Suudaan

Hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa ka digtay colaadda, sida khasab ah ee guryahooda looga barakacinayo shacabka dalka Suudaan, kuwaa oo maciin bidaya in ay qaxooti ku noqdaan dalalka deriska.
Talaadadii, kumanaan qof oo dadka reer Khartoum ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada, iyagoo isku dayaya in ay ka baxsadaan dagaalka, xilli ay jirto xabad joojin aan cago badan ku taagnayn.
Olga Sarrado, Afhayeenka Hay'adda UNHCR ayaa sheegtay in qulqulka dadka ka barakacaya dalkaasi ee gaaraya dalalka deriska ay u muuqato mid hadda uun bilow ah, xilli ay horey kumanaan qof uga barakaceen.
"Dagaalku wuxuu u muuqdaa mid sameynaya barakac hor leh oo gudaha iyo dibadda ah." Ayay tiri Olga Sarrado.
"Tan iyo markii uu dagaalku bilowday bartamihii bishan April, ugu yaraan 20,000 oo reer Suudaan ah ayaa u qaxay dalka Chad, halka 4,000 oo kalena ay gaareen dalka Koonfurta Suudaan." Ayay tiri Olga Sarrado.
Haweeneydan ayaa ka digtay in tiradaasi ay sare u kacdo, waana xilli ay sheegtay inaanay haynin qiyaasta tirada ku wajahan dalalka kale ee deriska.
Waxay muujisay in tan qura ee qulqulka qaxootiga reer Suudaan looga baaqsan karaa ay tahay, iyadoo dhinacyada ku dagaalamaya dalkaasi ay colaadda joojiyaan.
Dhanka kale Olga Sarrado ayaa sheegtay in dagaalkan uu sidoo kale saameeyay sideed boqol oo kun (800,000) oo qaxootiga Koonfurta Suudaan ah, oo deganaa dalka Suudaan, kuwaa oo rubac ka mid ah ay ku nool yihiin Caasimadda Khartoum, isla-markaana uu si toos ah dagaalka u saameeyay.
Warbaahinta Masar ayaa sheegtay in illaa 3,000 oo qaxooti reer Suudaan ah ay ka soo gudbeen xuduudda labada dal, tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay dalkaasi Suudaan, inkastoo aysan UNHCR warkaasi xaqiijin.
UNHCR ayaase sheegtay in ay si dhow ula shaqayn doonto dowladaha gobolka iyo la hawlgalayaasha, si ay u qiimeeyaan baahiyaha dadka dhawaan yimid iyo in ay jawaab wadajir ah ka bixiyaan.
"Waxaan uga mahadcelinaynaa inay sii wadaan in ay xuduudahooda u furaan kuwa ka soo qaxay Suudaan." Ayay UNHCR ku sheegtay bayaan ay soo saartay.


