Raila Odinga oo aqbalay baaqii Madaxweynaha Kenya, William Ruto

Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya, Raila Odinga ayaa ku dhawaaqay in uu hakiyay dibadbaxyadii ballaarnaa ee Isniinta berrito lagu waday in ay ka dhacaan dalkaasi.
Mucaaradka ayaa 20-kii bishii hore ee March dalkaasi ka bilaabay dibadbaxyo ay sheegeen in ay kaga soo horjeedaan sicir bararka ku sii baahaya dalka iyo weliba wax is daba-marin ay sheegeen in lagu sameeyay doorashadii madaxtinimada ee sanadkii hore lagu soo doortay Madaxweyne William Ruto.
Raila Odinga oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Nairobi ayaa sheegay in berrito aysan dalka ka qaban doonin dibadbaxyadii ay iclaamiyeen in Isniin kasta ay ka dhigi doonaan magaalooyinka dalkaasi.
Tani ayaa imaanaysa, saacado uun ka dib, markii Madaxweynaha Kenya, William Ruto uu Raila Odinga ugu baaqay in uu joojiyo dibadbaxyada ballaaran, ee ay qorsheeyeen maalinta berrito ah.
Madaxweynaha oo si toos ah shacabka uga la hadlayay Telefishinka Qaranka ayaa ogolaaday in uu soo dhaweeyo mid ka mida dalabyadii mucaaradka.
"Waxaan rajeynaya in cabashada mucaaradka ee khaladaadka doorashada lagu xalin karo Baarlamaanka iyo koox laba dhinac ah, si ay si wadajir ah wax uga qabtaan waxa mucaaradku ka cabanayo." Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in mudaaharaadyadu ay sumcad xumeynayaan muuqaalka Kenya, isla-markaana uu aad u saameeyay dhaqaalihii dalka, xilli dowladdiisu ay ku dadaaleyso, sidii dhaqaalaha uga soo saari laheyd godka dheer ee sida uu sheegay ay ugu yimaadeen.
Marka laga soo taggo in dibadbaxyadan ay saameyn weyn ku yeesheen dhaqaalaha dalkaasi ayaa haddana inta la ogyahay waxaa ku dhintay saddex qof, iyadoo tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, halka booliskuna ay boqolaal qof u soo xir xireen.
Dibadbaxyadan ayaa sidoo kale walaac dhanka amniga ah ku hayay ganacsatada iyo shacabka dalkaasi.


