Sacuudiga oo mar kale miiska wada hadalka isugu keynaya dhinacyada Suudaan

Dowladda Sacuudiga ayaa mar kale Magaalada Jeddah ku qabaneysa shir lagu dhexdhexaadinayo labada garab ee ku dagaalamaya dalka Suudaan, si dib loogu soo noolleeyo dadaaladii dhexdhexaadinta ee lagu soo afjarayay colaadda dalkaasi.

Wakiilo ka socda Taliska Militariga ee uu hoggaamiyo General Abdel Fattah al-Burhan ayaa gaaray Magaalada Jeddah, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Saraakiisha Ciidanka Gurmadka Degdegga ee RSF ayaan iyagu ka hadlin, haddii ay ku biirayaan wada hadalada ay garwadeenka ka yihiin Sacuudiga & Mareykanka iyo haddii kaleba.

Dowladaha Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa bishii June hakiyay wada hadaladaasi, ka dib marar badan oo dhinacyadu ay jebiyeen heshiisyo xabad joojin ah oo ay gaareen.

General al-Burhan iyo kuxigeenkiisii hore General Mohamed Hamdan Dagalo ayaa soo dhaweeyay baaqa nabadeed ee ka soo baxay shirkii Masar ay Khamiistii martigelisay ee looga hadlayay colaadda dalkaasi.

Labada janaraal ee ugu awoodda badan dalkaasi ayaa tan iyo 15-kii bishii April ku dagaalamaya dalkaasi, iyadoo dagaalku uu dalkaasi geliyay xaalad hubinti la'aan ah.

Labada janan ayaa horaan door biday in ay dagaalka sii wadaan, ka hor inta aan miiska wada hadalka lagu dhammeen colaadda Suudaan, tiiyoo ay muuqato inaanay ku kala adkaan.

Dadaalada la isugu soo dhaweynayo labadaasi nin ayaa imaanaya, xilli ay aad u yar tahay rajada laga qabo in si degdeg ahi lagu soo afjaro colaadda Suudaan, haddii aanu caalamku qaadin tallaabooyin ka dhan ah labada nin ee ugu sarreya ciidamada dalkaasi.