Shir saddex geesood oo la xiriira Gaza oo ka furmay dalka Masar

Shirkan oo ay leeyihiin Masar, Mareykanka iyo Israel ayaa maanta ka furmay Caasimadda Qaahira, iyadoona looga hadlayo, sidii dib loogu furi lahaa Isgoyska Rafah ee u dhaxeeya Masar iyo Marinka Gaza.

Washington ayaa gadaal ka riixeysa in dib loo furo Isgoyska Rafah, iyadoo laga jawaabayo qaylo dhaanta hay'adaha gargaarka ee ka digaya in macluusha ay ku baaheyso qaybaha Marinka Gaza.

Dowladda Masar ayaa ku adkeysaneysa inay Ciidamada Israel ka baxaan dhinaca Falastiiniyiinta ee Isgoyska Rafah, si xaaladda loogu soo celiyo, sideedii hore.

Militariga Israel oo 7-dii bishii May qabsaday bariga deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza ayuu hawlgalkooda caqabad ku noqday gargaarkii ka imanayay dhanka Masar ee la gaynayay Marinka Rafah.

Qabsashada Israel ee Rafah waxay ka dambeysay, ka dib markii hawlgal dhinaca dhulka ah ay ka bilowday cirifka koonfureed ee Marinka Gaza.

Qaahira ayaa sheegtay inay joojineyso wada shaqeyntii ay Israel kala shaqeynaysay howlaha gargaarka bani'aadantinimo, illaa iyo inta Tel Aviv ay wareejineyso maamulka amniga xuduudda ee dhinaca Marinka Gaza.

Telefishinka Masar oo soo xiganaya Saraakiil aan la magacaabin ayaa ku waramay in Qaahira ay Mareykanka iyo Israel u xaqiijisay mowqifkeeda joogtada ah ee ku aaddan inaanan la furi doonin Isgoyska Rafah, illaama maamulka xuduudda lagu soo celinayo gacanta Falastiiniyiinta.

Warbaahinta Masar ayaa sheegeysa in dowladda dalkaasi ay diidan tahay in Israel ay kala shaqeyso dadaalada gurmadka bani'aadantinimo lagu gaarsiinayo dadka reer Gaza, sababtoo ah Israel oo aysan daacad ka ahayn in kolonyada gargaarka ay si caadi ah uga gudbaan furinta cusub ee ay ka furtay aagga Rafah, isla-markaana ay khatar ku tahay shaqaalaha gargaarka.

Saraakiisha Masaarida ayaa laga soo xigtay illaa iyo hadda inaanu jirin wax heshiis ah oo dib loogu furayo isgoyskaasi, balse ay Qaahira ogolaatay in kormeereyaasha ay kormeeri karaan xadka, si ay u qiimeeyaan xaaladda ka taagan.

Xiisadda Masar iyo Israel oo si tartiib tartiib ah ku bilaabatay ayaa cirka isku shareertay, ka gadaal ay Israel sheegtay in ciidamadeeda ay sii joogi doonaan soohdinta kala qaybisa Marinka Gaza iyo Masar.

Taliska Militariga Israel ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in ciidamadooda ay si buuxda ula wareegeen Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor.

Philadelphi Corridor ayaa ku taala xadka Masar iyo Marinka Gaza, iyadoona Qaahira ay horey uga digtay dhaqdhaqaaq kasta oo militari oo Israel ay ka sameyso waddada 100-mitir ah, maadaama uu nidaamiyo heshiiskii nabadda ee ay la gashay Israel, sanadkii 1979-kii. Philadelphi oo horaan loogu aqoonsaday aag ka caagan militariga ayuu balaceedu yahay 100-mitir, kaas oo illaa 13km dhirirsan xadka Masar iyo Gaza.

Dunida ayaa walaac xoogan ka muujisay dagaalka ay Israel ku fidisay deegaanka Rafah, oo loo tixgelinayay aag bani'aadantinimo, haddii uu martigelinayay 1.5 milyan oo barakacayaal Falastiiniyiin ah.

Israel ayaa dhegaha ka fureysatay baaqyadii caalamiga ahaa ee looga dalbanayay inaysan weerarin Rafah, maadaama uu wiiqayo dadaalada caalamiga ah ee la doonayo in wax lagaga qabto masiibada bani'aadantinimo ee Gaza.

Isgoyska Rafah ayaa xirnaa, tan iyo qabsashadii Ciidamada Israel, mana jirto wax gargaar ah oo muddadaasi ka gudbay isgoyskaasi, gudahana u galay Marinka Gaza.

Israel ayaa horey u xirtay Isgoyska Kerem Shalom oo ku yaala xadka ay la wadaagto Marinka Gaza. Kerem Shalom ayaa ka mid ah meelaha uu ka gudbo gargaarka bani’aadantinimo ee la geeyo Gaza, waana goobta ugu badan ee gargaarka uu ka geli jiray Marinka Gaza.

Isgoysyada Kerem Shalom iyo Rafah ayaa ah labada waddo ee halbowlaha u ah marinada gargaarka sida weyn loogu baahan yahay.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa horey ugu eedeeyay Israel inaysan ogoleyn in shaqaalaha gurmadka bani’aadantinimo ay ka gudbaan Rafah, taasna ay kaga sii dareyso dhibaatada bani'aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza.

Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee gargaarka raashiinka iyo caafimaadka ayaa ku xaniban dhanka Masar, ka dib markii ay ku adkaatay in ay gudaha u galaan Gaza.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa sheegay in xirista la xirayo meel laga soo gudbo koonfurta Marinka Gaza ay ka dhigeyso mid aan suurtagal ahayn in gargaarka la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee ku nool dhulka ay colaaddu halakeysay.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku celceliyay in hawlgalkooda Rafah uu lagama maarnaan u yahay in la burburiyo Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza.