Shirka Ruushka iyo Afrika oo maanta ka furmaya Magaalada St. Petersburg

Qaar ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa shalay galab illaa xalay gaaray dalkaasi Ruushka, si ay uga qaybgaleen shir madaxeedka ay Magaalada St. Petersburg kula leeyihiin Madaxweyne Vladimir Putin.
Shirka oo laba cisho ka socon doono magaaladaasi ayaa looga hadlaya dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadanimada, iyadoo Hoggaamiyaha Ruushka uu isku dayayo in uu sameysto xulafo cusub.
Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa Madaxweyne Putin ka doonaya in uu fuliyo ballanqaadkiisii qamadiga ee qaaradda, ka dib markii Moscow ay ka baxday heshiiskii Ukraine u ogolanayay inay si nabdoon badarka uga dhoofiso Dekedaheeda Badda Madow. Putin ayaana toddobaadkan sheegay in dalkiisu uu Afrika u dhoofin doono wax soosaarkii beeraha ee Ukraine, isagoo markaasi la wareegaya suuqii Ukraine ee qaaradda.
Sidoo kale Hoggaamiyeyaasha Afrika qaarkood ayaa Putin ka doonaya damaanad-qaad xagga mustaqbalka ee calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner.
"Maanta Afrika waxay si kalsooni badan leh u sheeganeysaa inay tahay mid ka mid ah tiirarka adduunka soo koraya." Ayuu Madaxweyne Putin ku sheegay war qoraal ah oo xalay ka soo baxay Aqalka Kremlin-ka.
"Madashu waxay siin doontaa xoojin dheeraad ah iskaashiga siyaasadeed iyo kuwa bani'aadanimada, sanado badan oo soo socda." Ayuu yiri Putin.
Waxaa jira madax Afrikaan ah oo aan weli gaarin dalkaasi, iyadoona Aqalka Kremlin-ka uu Reer Galbeedka ku eedeeyay in ay madaxdaasi ku cadaadinayaan inaanay ka qaybgelin shir madaxeedka St. Petersburg.
Yuri Ushakov, La taliyaha Arrimaha Siyaasadda ee Madaxweyne Putin ayaa sheegay in 21 madax ama dowladood ay ka qaybgeli doonaan shirka St. Petersburg, tiradan oo kala bar ka yar intii ka qaybgashay shirkii ugu horreyay ee labada dhinac yeesheen bishii October ee sanadkii 2019, kana dhacay Magaalada Sochi ee dalkaasi Ruushka. Shirka waxaa xilligaasi ka qaybgalay 43 madax ama dowladood oo ka socday Afrika.
54-ka dal ee Afrika waa kuwa ugu badan ee codadkooda ka dhiibta kulamada Qaramada Midoobey, waxayna si weyn ugu kala qaybsameen go'aamadii Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee lagu dhalleeceeyay duulaanka Ruushka ee Ukraine.
Shir madaxeedka ka dhacaya St. Petersburg ayaa noqonaya kiisii labaad ee labada dhinac yeeshaan, tan iyo sanadkii 2019.


