Sideed boqol oo qof oo ku dhintay dhulgariir ka dhacay dalka Morocco

Inta la ogyahay in ka badan sideed boqol oo qof ayaa ku dhintay dhulgariir xoog leh oo xalay ka dhacay Buuraleyda Atlas ee dalkaasi Morocco.

Wararka ayaa sheegaya in dhulgariirku uu si ba'an u saameeyay Magaalada Marrakech, oo ah tan ugu weyn ee ku dhow goobta uu dhulgariirku ka dhacay.

Dhulgariirkan ayaa cabirkiisa lagu sheegay 6.8 magnitude. Dadka ayaa la arkayay iyagoo dibadda u soo baxaya, kuna khasbanaaday in xalay ay bannaanada ku hoydaan.

Waxaa jirta cabsi laga qabo inay aad u korodho tirada dadka ku dhintay dhulgariirkaasi, maadaama ay jiraan dhismayaal fara-badan oo burburay, ayna jiraan dad badan oo nolol iyo geeri lagu la'yahay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Morocco ayaa xaqiijisay in 820 qof ay ku dhinteen dhulgariirka, 672 kalena ay dhaawacmeen, welina uu socdo gurmad ballaaran.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dhulgariirku uu saameeyay Gobolada Al Haouz, Ouarzazate, Marrakech, Azilal, Chichaoua iyo Taroudant.

Inta badan dadka dhintay ayaa laga diiwaangeliyay Magaalada Marrakech, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi.

Dhismayaasha ku burburay Marrakech waxaa ka mid ah kuwo ay Hay'adda UNESCO u diiwaangelisay goobo taariikhiya. Minaarad Masjid ayaa ku dhacday Fagaaraha Jemaa Al-Fna oo ka mid ah goobaha qadiimiga ah.

Dhulgariirkan ayaa noqonaya kiisii ugu xumaa ee dalkaasi ku dhufta, tan iyo sanadkii 2004.