Suudaan oo qarka u saaran wixii laga digayay

Dagaalka ka socda dalka Suudaan ayaa galay toddobaadkii 13aad, iyadoona dagaalka u dhaxeeya Militariga Suudaan iyo Ciidamada Gurmadka Degdegga ee RSF uu u muuqdo mid cagaha la galaya dagaal sokeeye.
Gobolka Galbeedka Darfur ayaa laga soo sheegaya in uu ka socdo kufsi, dil iyo beegsi qowmiyadeed, waana gobolka loo tiriyo in inta badan ay ka soo jeedaan Xoogaga RSF, balse waxaa sidoo kale degan Carabta isbahaysiga la ah Ciidamada Militariga, kuwaa oo qayb ka ah dadka sida la sheegay la beegsanayo.
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Suudaan ay qarka u saaran tahay dagaal sokeeye, oo sida ay sheegtay qalqalgelin kara xasilloonida gobolka, ka dib markii Sabtidii weerar dhinaca cirka lala eegtay goob ay dadka rayidka ah degan yihiin oo ku taala magaalada mataanaha la ah Caasimadda Khartoum ee Omdurman.
Wasaaradda Caafimaadka Suudaan ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay 22 qof ah, oo dhammaantood dad shacab ahaa.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa cambaareeyay weerarka dadka rayidka lagu laayay ee ka dhacay Magaalada Omdurman.
Farhan Haq oo ah Kuxigeenka Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in Xoghayuhu uu ka walaacsan yahay dagaalka Suudaan oo dalka ku riixaya dagaal sokeeye.
"Guterres waxa uu si qoto dheer uga walaacsan yahay in dagaalka socda ee u dhaxeeya Ciidamada Qalabka Sida uu Suudaan ku riixo dagaal sokeeye oo buuxa, kaas oo qalqalgelin kara gobolka oo dhan." Ayuu yiri Farhan Haq.
Saraakiisha RSF ayaa dhankooda sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen 31 qof oo rayid ah, iyagoona ku eedeeyay Ciidamada Militariga, xilli ay isku dayayeen inay go'doomiyaan waddo sahayda u soo marta xoogagooda.
Taliska Militariga ayaa si adag isaga fogeeyay eedeymahaasi, waxayna RSF ku eedeeyeen in ay iyagu yihiin kuwa bartilmaameedsanaya xaafadaha rayidka.
Weerarka ka dhacay Omdurman oo sidoo kale ay tobanaan kale ku dhaawacmeen ayaa noqonaya khasaarihii ugu badnaa ee goob qura ka soo gaara dadka rayidka. Bishii June weerar cirka oo ka dhacay Khartoum ayaa galaaftay nolosha 17 qof oo ay ku jiraan shan carruur ah.
Hoggaamiyaha Golaha Talada ee Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan iyo kuxigeenkiisii hore General Mohamed Hamdan Dagalo ayaa isku haya talada dalka.
Dhanka kale Dowladda Masar ayaa sheegtay in 13-ka bishan ay martigelin doonto shir madaxeed ay dalalka deriska la ah Suudaan ka yeelanayaan xaaladda ka aloosan dalkaasi. Shirka ayay sheegtay in looga hadli doono, sidii loo soo afjari lahaa colaadda dalkaasi.
Muddada saddexda bilood ee dagaalku uu ka socdo dalkaasi ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dad tiradoodu u dhaxeyso saddex kun illaa shan kun oo qof.
Digniinta Qaramada Midoobey ayaa imaanaysa, iyadoo in muddo ahba Beesha Caalamka loogu baaqayay in ay si dhab ah uga hortagto dagaalka sokeeye ee ay Suudaan qarka u saaran tahay.
Si kastaba ha-ahaatee waxaa aad u yar rajada laga qabo in xilligan si degdeg ah lagu soo afjaro colaadda dalkaasi.


