Tirada dadka ku dhintay daadadkii Liibiya oo gaartay lix kun oo qof

Waxaa aad u korodhay tirada dadka ku dhintay daadadka halakeeyay magaalada bariga dalkaasi Liibiya ku taala ee Derna.

Dabeylo xoogan oo Axaddii ku dhuftay bariga dalkaasi ayaa sababay inay jabsadaan laba biyo xireen, oo ku yaala magaalada saaran Badda Mediterranean-ka ee Derna.

Derna ayaa ah xudunta goobta dhibaatada ugu daran ay ka jirto, ka dib markii la sheegay inay dumeen biyo xireenada ku yaala buuraha ka sarreeya magaaladaasi. Tani ayaa keentay in daadad xoogan ku soo rogmadaan waadiga ama biyaha ka yimaada buuraha ee dhex mara bartamaha Derna.

Wararka ayaa sheegaya in biyo badan oo ku darsamay badda ay dib ugu soo fataheen magaalada, xaaladdana ay kaga sii dartay.

Saraakiisha ayaa sheegay in tirada dhimashada ay hadda sii caga-cageynayso lix kun (6,000) oo qof, xilli weli uu gurmadku socdo.

Meydad badan ayaa lagu arkayaa waddooyinka magaalada, si eheladooda ay u aqoonsadaan, ka hor inta aan la aasin.

Saraakiisha ayaa sheegaya in meydadka loo diyaariyay xabaalo wadareedyo ay qodeen gaadiidka waaweyn ee dhul qodista loo adeegsado.

Dowladda aan la aqoonsanayn ee fadhigeedu yahay bariga dalkaasi ayaa sheegtay in tirada dhimashada ay aad uga badan karto, inta la ogyahay.

Warbaahinta Dowladda ayaa tebisay in kooxaha samatabixinta ay weli uruurinayaan meydadka, isla-markaana ay jiraan illaa sagaal kun (9,000) oo qof oo la la’yahay, kumanaan kalena ay hooy la’aan noqdeen. Tirada la sheegay in la la’yahay waa inta laga warqabo, waxaana laga baqdin qabaa in tirada ay intaasi ka badan tahay.

Hay’adda Socdaalka Qaramada Midoobey ee IOM ayaa sheegtay in soddon kun (30,000) oo qof oo dadka reer Derna ah ay ku barakaceen fatahaadda.

Daadadka ayaa waxyeeleeyay dhismayaasha magaalada, oo qaarkood ay si xun u burbureen.

Qaramada Midoobey ayaa fatahaadda Derna ku sheegtay masiibo weyn, iyadoona la sheegay in bilowgii howlaha gurmadka ay caqabad ku noqdeen labada dowladood ee ka kala dhisan bariga iyo galbeedka dalkaasi. Tan ka jirta dhanka galbeed ee Liibiya ayaana ah midda uu caalamku aqoonsan yahay.

Qaramada Midoobey ayaa hadda sheegeysa in labada dowladeed ee isku haya dalkaasi ay ka wada shaqeynayaan gurmadka, si loo caawiyo dadka ay masiibadu saameysay.

Liibiya ayaa wajaheysay xaalad qalalaase iyo fowdo ah, tan iyo markii meesha laga saaray Dowladdii Madaxweyne Muammar Gaddafi, muddo haatan laga joogo laba iyo toban sano.