Tirada dadka ku dhintay dagaalka Suudaan oo aad u korodhay
Inta la xaqiijiyay, ugu yaraan 180 qof ayaa ku dhintay, kun iyo sideed boqol oo kalena way ku dhaawacmeen dagaalka saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ka socday magaalada caasimadda ah ee Khartoum, sida uu sheegay Ergayga Gaarka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Suudaan, Volker Perthes.
Ergayga ayaa walaac xoog leh ka muujiyay baaxadda khasaaraha uu gaysanayo dagaalka Sabtidii ka bilowday magaaladaasi, ee u dhaxeeya labada janaraal ee is qabtay.
"Waa xaalad aad u dareere ah, sidaas darteed aad bay u adag tahay in la sheego halka dheelitirku u wareegayo." Ayuu yiri Wakiilka Qaramada Midoobey ee Suudaan.
Volker Perthes oo shir jaraa'id Warbaahinta ugu qabtay muuqaalka fogaan aragga ayaa ku dhaliilay Hoggaamiyaha Golaha Talada Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan iyo Kuxigeenkiisa, General Mohamed Hamdan Dagalo inaanay muujin inay diyaar u yihiin in la dhexdhexaadiyo.
Perthes ayaa ugu baaqay Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD iyo Jaamacadda Carabta in labada janan ee ugu sarreya ciidamada dalkaasi ay cadaadis ku saaraan in xabad joojin laga sameeyo dalka.
Perthes ayaa aaminsan in doorkoodu uu wax badan ka tari doono xaaladda adag ee haatan ka jirta dalkaasi, gaar ahaan Magaalada Khartoum.
Inkastoo Madaxda Dalalka IGAD ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in dhinacyadaasi ku kala dhexgalaan, haddana waxaa la fahamsan yahay inaanay jirin marin ay wufuudda u maraan, haddii cir iyo dhulba ay ciidamadu ka xireen xuduudaha dalkaasi.
Diblomaasiyiinta ayaa xaalad khatar ah ku sheegay in wufuudda ay ku safraan marxaladda ceynkaasi oo kale ah, isla-markaana aanay xilligan wax natiijo ahi keeni karin, waana xaalad ay sheegeen in dadka reer Suudaan ay si gaar ahi u khuseyso.
Hoggaamiyeyaasha IGAD ayaase dhinacyada ka dalbanaya in la helo marin nabdoon, oo ay wufuuddoodu soo maraan.
Labada janaraal oo mid walba ay taageerayaan tobanaan kun oo ciidamo aad u hubeysan ah ayaa malaayin qof oo shacab ah ku xanibay guryahooda iyo goob kasta oo gabaad ay ka dhigteen, waana xilli cunto iyo biyo la'aan laga soo sheegayo meelo badan oo dalkaasi ka mid ah.
General al-Burhan iyo General Dagalo ayaa ku dagaalamaya gacan ku haynta Caasimadda Khartoum, iyagoona aan hoos u eegeyn dhibaatada, ee ay dalkooda iyo dadkooduba u horseedeen tobanka dambe ee bishan barakeysan ee Ramadan.
Dadka reer Suudaan ayaa haatan ka cabsi qaba in dagaalka uu noqdo mid sii daba dheeraada, tani oo dalkaasi u horseedaysa fowdo qoto dheer, meeshana ka saareysa rajadii shacabku ka qabeen in dib loo soo celiyo xukunkii rayidka ahaa, ee ay labadaasi janan ku carqaladeeyeen afgembigii ay 25-kii bishii October ee sanadkii 2021 ku sameeyeen Xukuumaddii Raysal Wasaare Abdulla Hamdok.
Dagaalkoodan ayaa eersaday khilaaf dhowrkii toddobaad ee ugu dambeysay soo kala dhexgalay.




