Turkiga oo Safaaraddiisii Khartoum u raraya Magaalada Port Sudan

Turkiga ayaa ku dhawaaqay in Safaaradda ay ku leeyihiin Magaalada Khartoum u wareejin doonaan Magaalada Port Sudan, ka dib markii Sabtidii gaariga Safiirka Turkiga lagu rasaaseeyay Caasimadda Khartoum.

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaasi, mana cadda cidda dhabta ahi ee rasaaseysay gaariga Danjire Ismail Cobanoglu, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu.

Dhinacyada ku dagaalamaya dalkaasi ayaa midba midka kale ku eedeeyay weerarka lagu qaaday gaariga Safiirka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in sababo amni dartood ay si ku-meel-gaar ahi Safaaraddooda ugu wareejinayaan magaalada bariga Suudaan ku taala ee Port Sudan.

“Annagoo qaadanayna talada Dowladda KMG iyo Ciidamada Suudaan ayaa waxaan go'aansanay inaan si ku-meel-gaar ah Safaaraddeena ugu rarno Port Sudan, sababo amni dartood." Ayuu yiri Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlayay magaalada koonfurta Turkiga ee Antalya.

Wasiirka ayaa yiri "Ma jirto cid ay waxyeelo ka soo gaartay weerarka. Safiirka iyo dhammaan ilaalada, oo ay ku jiraan ciidamadayada gaarka ah way badqabaan, marka laga reebo in burbur uu soo gaaray gaariga."

Wasiirka ayaa intaa raaciyay “Isku dhacyadu waxay mararka qaar ku sii xoogeystaan ​​waddada ay ku taalo Safaaradda Turkiga, xiisadaha iyo colaadaha ayaa sii kordhaya."

Dagaalka ba'an ee u dhaxeeya labada janan ee ku dagaalamaya dalkaasi ayaa dowlado badan ku khasbay in ay diblomaasiyiintooda kala baxaan Magaalada Khartoum iyo gebi ahaanba dalkaasi.

Dagaalkan ayaa furin colaadeed u bedelay magaalada ugu dadka badan dalkaasi ee Khartoum.

Militariga ayaa dalka maamulayay, tan iyo markii xukunka laga tuuray xukuumaddii uu hoggaaminayay Raysal Wasaare Abdalla Hamdok, 25-kii bishii October ee sanadkii 2021.