Volker Perthes "Waxaa jirta rajo in dhinacyada Suudaan ay wada hadlaan"

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Suudaan, Volker Perthes ayaa sheegay in ay jirto rajo laga qabo in labada janaraal ee ku dagaalamaya dalka Suudaan ay miiska wada hadalka isugu yimaadaan, inkastoo uu dagaalku ka sii soconayo qaybo ka mida dalkaasi.
Wakiilka ayaa sheegay in labada dhinac ay haatan u muuqdaan kuwo diyaar u ah in ay wada hadal isugu yimaadaan Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga amaba Magaalada Juba ee dalka Koonfurta Suudaan.
Wakiilka ayaa Reuters u sheegay in labada garab ee dagaalamaya ay soo magacaabeen ergadii ku meteli laheyd wada hadalada, inkastoo sida uu sheegay ay su'aalo ku gadaaman yihiin, sidii ay ku gaari lahaayeen Jeddah amaba Juba, isagoo intaa ku daray inaanan waqti loo qaban wada hadalada.
Dalalka caalamka oo Sacuudigu ugu horreyo ayaa gadaal ka riixaya in ay dhinacyada ku ku kulmaan Magaalada Jeddah, halka Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika ay daneynayaan in wada hadalada farsamo ee horudhac ah ka qabsoomaan Magaalada Juba.
Hadalka Volker Perthes ayaa imaanaya, xilli Hoggaamiyaha Golaha Talada ee Suudaan General Abdel Fattah al-Burhan iyo Hoggaamiyaha Ciidamada RSF, General Mohamed Hamdan Dagalo ay shuruudo ku xireen in midba midka kale uu la hadlo.
General al-Burhan ayaa sheegay inaanu ebid la hadli doonin General Dagalo, illaa iyo inta ay ciidamadiisa ka joojinayaan dagaalka.
General Dagalo ayaa dhankiisa BBC u sheegay inaanu wax gorgortan ah la geli doonin General al-Burhan, illaa iyo inta dagaalka lagu kala baxayo, isagoona sababta ku sheegay "Si aan kala joogsi lahayn ayaa dhanka cirka looga duqeynayay ciidamadayada, tan iyo markii 72 saacadood lagu kordhiyay xabad joojinta."
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa Telefishinka Al Carabiya u sheegay inuusan jirin xaq ay dhinacyada ku sii dagaalamaan, iyadoo uu dalku burburayo.
"Ma jirto xaq loogu sii dagaalamo awoodda dalka, marka dalka uu burburayo." Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.
Dagaalka ba'an ee u dhaxeeya ciidamada kala taageeraya labada janan ayaa toddobaadkii saddexaad ka sii soconaya Magaalada Khartoum iyo Gobolka Darfur, iyadoona uu dagaalku galaaftay nolosha 500 oo qof, halka in ka badan 4,200 oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Caalamka ayaa dadaal ugu jira, sidii ay xabad joojinta u sii shaqayn laheyd, tani oo loo arko jaanta keliya ee lagu gaari karo jidka wada hadalka.


