Wararkii ugu dambeeyay dagaalka culus ee ka socda dalka Suudaan

Dagaal culus ayaa maanta ka soconaya Magaalada Khartoum iyo Gobolka Galbeedka Darfur, ka dib markii dhinacyadu ay Jimcihii jebiyeen xabad joojin saddex maalmood oo dheeri ah.

Ciidamada kala taageeraya labada janaraal ee ugu awoodda badan dalkaasi ayaa xabad joojintaasi fashiliyay, saacado uun ka dib, markii ay dalka ka dhaqangashay xabad joojin 72 saacadood oo dheeraad ah, oo ay dhinacyadaasi ku heshiiyeen.

Daryanka sawaxanka ee hubka noocyadiisa kala duwan iyo guuxa diyaaradaha dagaalka ayaa Sabtidan laga maqlayaa Caasimadda Khartoum.

Qaybo ka mid ah bartamaha Magaalada Khartoum ayaa waxaa dahaaray qiiq ka dhashay bartilmaameedyada ay diyaaradaha dagaalka ka fulinayaan magaaladaasi.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in waqooyiga magaalada uu ka soconayo dagaal la isku adeegsanayo hubka culus, oo ay qayb ka yihiin taangiyada, madaafiicda goobta iyo Militariga Suudaan oo dhanka cirka ka garaacaya goobaha ay Ciidamada RSF kaga sugan yihiin halkaasi.

Magaalada waxaa weli ku xaniban dad fara-badan, sababtuna tahay inaanay dadkaasi haysan lacago caddaan ah, oo u suurtagelin laheyd in gaadiidka basaska kaga baxaan magaalada, qaarkoodna aanay heli karin marino nabdoon oo ay magaalada uga baxaan, rajadooda ugu weyna ay tahay in ay xabad joojinta sii socoto, waana xilli meelo badan oo magaalada ka mid ah aanay ka jirin wax koronto iyo biyo toona, iyadoona uu kaydkii sahayda ku sii yar yahay magaaladaasi.

Hoggaamiyaha Golaha Talada ee Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan iyo Hoggaamiyaha Ciidamada RSF, General Mohamed Hamdan Dagalo ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu ka masuul yahay dagaalka galay toddobaadkiisii saddexaad.

Qaramada Midoobey ayaa walaac xoog leh ka muujisay dagaalka ka socda Gobolka Darfur. Ururka Dhakhaatiirta Suudaan ayaa sheegay in 70 qof ay ku dhinteen Magaalada el-Geneina ee gobolkaasi.

Hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ugu yaraan 75,000 ay ku barakacday gudaha dalkaasi, halka ku dhawaad ​​100,000 oo kalena ay u gudbeen dalalka deriska.

Tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay dalkaasi ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 500 oo qof, halka in ka badan 4,200 oo kalena ay ku dhaawacantay.

Dagaalkan ayaa Khartoum u bedelay furin colaadeed, isla-markaana dalkaasi u jiheeyay dhabbo halis ah oo natiijadiisuna ay noqon doonto dagaal sokeeye, oo aan la mahdin.