Wararkii ugu dambeeyay dagaalka dalka Suudaan

Dagaal culus ayaa maalintii saddexaad ka soconaya Magaalada Khartoum ee xarunta dalkaasi Suudaan, iyadoona uu dagaalka u muuqdo mid dalka intiisa kale ku sii fidaya.
Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Hoggaamiyaha Golaha Talada Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan iyo Kuxigeenkiisa, General Mohamed Hamdan Dagalo.
Ciidanka Militariga Suudaan ayaa taabacsan General al-Burhan, halka xoogaga isugu yeeray Ciidamada Gurmadka Degdegga ee Suudaan ay taageersan yihiin General Dagalo.
Marka laga soo taggo in dhinacyadu ay guulo ka sheeganayaan dagaalka, haddana dagaalka ayaa weli ka socda aagga madaxtooyada, garoonka weyn ee magaalada iyo nawaaxiga xarunta ugu weyn ee Taliska Militariga Suudaan.
Ciidanka Militariga ayaa dhanka cirka ka garaacaya bartilmaameedyada ay Xoogaga RSF kaga sugan yihiin caasimadda.
Dagaalkan ayaa si weyn u saameeyay magaalada, iyadoona ay xiran yihiin goobaha waxbarashada, suuqyada iyo wadooyinka bartamaha caasimadda oo aad arkeyso inay haawanayaan.
War ka soo baxay Taliska Militariga Suudaan ayaa dadka rayidka ah lagu wargeliyay in ay ka fogaadaan aagaga dagaalka, isla-markaana ay ku nadaagaan guryahooda.
Wadooyinka waaweyn ee magaalada ayaa lagu arkayaa gaadiidka dagaalka iyo ciidamada dagaalamaya oo keliya. Khartoum waa caasimadda dalka Suudaan, waana magaalada ugu weyn dalkaasi.
Khartoum ayaa u muuqato mid si degdeg ah isugu bedeshay furin dagaal, ka dib dagaalkii lama filaanka ahaa ee Sabtidii ka qarxay xudunta magaalada.
Illaa iyo hadda inta la ogyahay, ku dhawaad 100 qof ayaa ku dhintay dagaalka, sida ay sheegeen ururka dhakhaatiirta, iyagoona tirada dhaawaca ku sheegay qiyaastii 1,100 qof.
Dagaalka ayaa dalkaasi ka sii soconaya, xilli ay isa soo tarayaan baaqyada caalamiga ee dhinacyadaasi looga dalbanayo in ay dagaalka joojiyaan.


