Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka dalka Suudaan

Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Suudaan ayaa ku heshiiyay xabad joojin soconeysa muddo toddobo maalmood ah.

Hoggaamiyaha Militariga Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan iyo Hoggaamiyaha Ciidamada RSF, General Mohamed Hamdan Dagalo ayaa ku heshiiyay xabad joojintan oo ka bilaabaneysa Khamiista, sida ay shaacisay Dowladda Koonfurta Suudaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Koonfurta Suudaan ayaa bayaan ku sheegtay in dhinacyadu ay aqbaleen in Koonfurta Suudaan ay dhexdhexaadiso, si xal loogu helo xaaladda ka sii dareysa ee dalkaasi.

"Madaxweyne Salva Kiir ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la helo heshiis dheer iyo in ay soo magacaabaan ergadii ku meteli laheyd wada hadalada nabadda, taas oo ay aqbaleen." Ayaa lagu yiri bayaanka.

Waa xabad joojintii ugu muddada dheereed ee ay dhinacyadu ku heshiiyaan, xilli heshiisyadii hore ee xabad joojinta ay saddex cisho uun ku ekeyd.

Xabad joojintan ayaa la eegaya waxa ka hirgeli doono, haddii kuwii aysan si buuxdo uga dhaqangelin dalkaasi.

Dhanka kale waxaa korodhay tirada dadka ku dhintay dagaalka 15-kii bishii hore ee April ka qarxay Magaalada Khartoum, balse markii dambe ku fiday qaybo ka mida dalkaasi.

Wasaaradda Caafimaadka Suudaan ayaa sheegtay in tirada dhimashada ay hadda gaartay 550 qof, halka 4,926 kalena ay dagaalka ku dhaawacmeen.

Beesha Caalamka ayaa walaac xoog leh ka muujineysa xaaladda bani'aadanimo ee ka sii dareysa ee dalkaasi ka jirta.