Xamaas iyo Israel oo mar kale wada hadalo aan toos ahayn ku leh dalka Qatar

Isku soo jiidjiid dheer ka dib oo ay sameeyeen Mareykanka iyo dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee Qatar iyo Masar ayaa waxaa suurtagal ah in wada hadalada hindisaha xabad joojinta ee dagaalka Marinka Gaza ay dib uga bilowdaan Magaalada Doha ee dalkaasi Qatar.

Xubnaha labada dhinac ku metelaya wada hadalada ayaa lagu wadaa in Isniintan ay dib ugu laabtaan Caasimadda Doha, si loo dhaqaajiyo hindisaha xabad joojinta.

Wada hadalada ayaysan si toos ah isku soo horfariisan doonin labada dhinac, ha yeeshee ay kulamo kala gooni gooni ah la qaadanayaan dhexdhexaadiyeyaasha, sidaana ay wada hadaladu ku socon doonaan.

Wararka ayaa sheegaya in Xamaas ay ka soo dabacday mowqifkeedii ahaa in xabad joojintu ay noqoto mid joogto ah iyo in Ciidamada Israel ay isaga baxaan Marinka Gaza.

Saraakiil ka tirsan Ururka Xamaas ayaa laga soo xigtay in wejiga koowaad ee heshiiska la gaari karo, iyadoo aysan jirin shuruud Israel lagu xirayo inay marka hore ballanqaaddo inay si buuxda u soo afjareyso weeraradeeda Gaza.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa ku warantay in wejiga 1aad ee hindisaha xabad joojinta lagu heshiin karo in lix toddobaad la hakiyo dagaalka, Xamaas-na ay bilaabi doonto inay sii deyso la haysteyaasha Israeliyiinta, kuwooda nugul, iyada oo ku bedelaneysa maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israel. Kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa Marinka Gaza ku haysta ku dhawaad 120 la haysteyaal Israeliyiin ah oo lagu soo qafaashay weerarkii October 7-deedii.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa xalay sheegay in heshiis kasta oo lala gelaayo Xamaas uu noqon doono mid si ku-meel-gaar ah loogu joojinayo dagaalka.

"Qorshe kasta oo xabad joojin ah wuxuu noqon doonnaa mid Israel u ogolanaya inay dib u bilowdo dagaalka, si aynu u xaqiijino ujeedooyinkeennii dagaalka." Ayuu yiri Netanyahu.

Netanyahu ayaa sheegay in Tel Aviv ay ka go'an tahay burburinta Xamaas, maadaama joogitaanka Xamaas ee Gaza uu khatar ku yahay sida uu yiri ammaanka Israel.

"Inta aan dib uga soo celinayno la haysteyaasha, kuma xadgudbi doono heshiiska xabad joojinta." Ayuu yiri Netanyahu.

Dhanka kale Magaalooyinka Israel ayaa waxaa Sabtidii iyo Axaddii ruxay bannaanbaxyo ballaaran oo dadku ay ku dalbanayaan in si buuxda loo soo afjaro dagaalka Marinka Gaza.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in Xamaas lala gaaro heshiis xabad joojineed, si dadka Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza ay guryahooda dib ugu soo laabtaan.

Dibadbaxayaasha oo meelaha qaarkood ay hoggaaminayaan qoysaska, ehelada iyo saaxiibada dadka lagu haysto Gaza ayaa ka digaya in halis la geliyo nolosha la haysteyaasha, waana sababta ay u adkeynayaan inaanu maamulkoodu fashilin wareeggan ugu dambeeya ee wada hadalada.

Shacabka Israel ayaa arka in Netanyahu iyo kooxdiisa ay carqaladeynayaan dadaalada socda ee lagu doonayo in xal lagaga gaaro dagaalkan.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in dibadbaxyadan ay shacabku farriin ugu dirayaan xukuumadda uu Netanyahu hoggaamiyo.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Netanyahu iyo Wasiirada xagjirka ah ee ku hareereysan ay ku adag tahay in ay qaataan heshiis horseedaya in la soo afjaro colaadda.

Wada hadaladan ka furmaya dalka Qatar ayaa imanaya dhowr jeer oo ay fashilmeen isku dayo la doonayay in lagu gaaro heshiis xabad joojineed.