Xiisad ka jirta Degmada Buurhakaba iyo dagaal laga cabsi qabo

Walaac dhanka amniga ayaa soo food saaray shacabka ku dhaqan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, iyadoo ay dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda ay ka jiraan degmadaasi iyo deegaanada hoostaga.

Ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ee 15-kii bishan dagaalka culus kula wareegay degmadaasi ayaa magaalada ka wada diyaargarow ay doonayaan inay uga hortaggaan Ciidanka Xoogga Dalka oo ku sii siqaya Buurhakaba.

Ciidanka Xoogga Dalka oo ay horkacayaan unugyo ka tirsan Kumaandooska Danab iyo Gorgor ayaa u qalab qaatay degmadaasi, iyadoona uu ujeedkoodu yahay in ay ciidamadaasi dib uga qabsadaan degmada istiraatiijiga ah ee Buurhakaba.

Xiisadda sii kordheysa iyo hubanti la'aanta amniga ee ka jira Buurhakaba ayaa sababay in dadka deegaanka qaarkood ay isaga barakacaan guryahooda.

"Dareenka dadka aad ayuu u kacsan yahay, maxaa yeelay ma rabaan in lagu dul dagaalamo, waxaadna arki kartaa in ciidamadii la wareegay magaaada ay dhufeysyo ka qodanayaan. Marka dadka waxay bilaabeen inay ka qaxaan." Ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo aan la hadalnay.

Cali Cabdullaahi Cismaan oo goob ganacsi ku haysta magaalada ayaa tilmaamay in dadka deegaanka ay sidoo kale qabaan dareen ku aaddan in duqaymo ay ka dhici karaan magaaladaasi, bacdamaa sida uu sheegay ay mararka qaar maqlaan guuxa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo dulmaraya magaalada.

Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi ayaa Khamiistii Magaalada Dhuusamareeb ka sheegay in Degmooyinka Buurhakaba, Berdaale, Qansaxdheere iyo Diinsoor ay qabsadeen maleeshiyada Al Shabaab, isagoona ku hanjabay in maleeshiyadaasi ay dib uga saari doonaan Degmooyinka Gobolka Baay.