Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo si adag uga hadlay dagaalka Suudaan

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa si kulul u cambaareeyay dagaalka ka soconaya Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ku dhaliilay labada janaraal ee dagaalamaya in ay ku guuldareysteen joojinta dagaalka, intii ay socdeen gargaarka bani'aadanimo ee Axaddii lagu heshiiyay in la gaarsiiyo dadka dhaawacmay, lana daadgureeyo.

"Dagaalka ka soconaya Suudaan ayaa durbaba gaystay khasaare nafeed oo aad u ballaaran, dadkaasi waxaa ku jira dad badan oo rayid ah." Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo intaasi ku daray "Wax kasta oo ka sii dara, waxay noqon kartaa mid dhibaato u gaysata dalka iyo gobolkaba." 

Waxa kaloo uu yiri "Kuwa saamaynta ku leh xaaladda, waa inay taageeraan dadaalada lagu joojinayo rabshadaha, soo celinta nidaamka iyo dib ugu soo noqoshada habraaca kala guurka."

António Guterres ayaa sheegay inuu la hadlay labada hoggaamiye ee iska soo horjeeda, waa Hoggaamiyaha Golaha Talada Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan iyo Kuxigeenkiisa, General Mohamed Hamdan Dagalo, kuwaa oo uu ku booriyay in ay dagaalka joojiyaan, xasilloonidana ay soo celiyaan, waana xilli ay labaduba muujiyeen inaysan dooneyn in ay wada hadlaan.

"Xaaladda bani'aadanimo ee Suudaan, waxayba markii hore ahayd mid khatar ah, hadda waa masiibo. Qaramada Midoobey waxay taageereysaa in la soo celiyo dhabaha kala guurka dimoqraadiyadda iyo dhisidda nabad, mustaqbal ammaan ah." Ayuu yiri Guterres.

Saraakiisha caafimaadka ee dalkaasi ayaa xaqiijiyay in ka badan boqol qof oo rayid ah inay ku dhinteen dagaalka, dhaawacuna uu kun ka badan yahay, inkastoo ay suurtagal tahay tirada dhabta ah in intaasi ka badato.

Dhakhaatiirta ayaa ka digay in xaaladda goobaha caafimaadka ee magaalada ay tahay mid aad u adag, dagaalkana uu ka hor istaagayo in shaqaalaha iyo agabka caafimaadkaba la gaarsiiyo isbitaalada lagu la tacaalayo bukaanada.

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa Isniintii sheegtay in dhowr ka mid ah isbitaalada ku yaala Caasimadda Khartoum uu kaydka dhiigga ka dhammaaday.

Khartoum ayaa wajaheysa xaalad hubinti la'aan ah, iyadoona ay Ciidanka Militariga Suudaan iyo Ciidamada Gurmadka Degdegga (RSF) ay ku dagaalamayaan wadooyinka magaalada.

Dagaalkan, sida lama filaanka ah Sabtidii uga qarxay magaalo madaxda dalkaasi ayaa u muuqda mid ku sii fidaya dalka intiisa kale.