Askari ka tirsan booliska oo gabar ardayad ahayd ku dilay Garoowe

Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in abaare 2:00 duhurnimo ee maanta lagu dilay gabar wax ka baran jirtay mid ka mid ah jaamacadaha ku yaala magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in askari ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland uu dilkaasi u gaystay Ubax Yaasiin Cali Aar.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhacdadaasi ay ka dhacday xaafadda Hodan, isla-markaana ay gabadhaasi u geeriyootay xabad kaga dhacday madaxa.

Bilowgii ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in askarigu uu ka baxsaday goobta, balse Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, G/sare Maxamed Cali Marduuf ayaa mar dambe xaqiijiyay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen askarigaasi.

War qoraal ah oo goor dhow ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa lagu sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Abshir Cabdiraxmaan Bashiir la horgayn doono sharciga.

“Eedeysanaha oo ay ciidanku gacanta ku hayaan ayaa la horgayn doonnaa maxkamadda awoodda u leh.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Dilka oo ka dhacay aagga Jaamacadda Bosaso ee Magaalada Garoowe ayay si weyn u hadalhayaan dadka reer Garoowe.