Ciidanka Galmudug oo gacanta ku soo dhigay rag ku eedeysan dilka haweeneyda

Saraakiisha Galmudug ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen raggii ka dambeeyay weerarkii habeenkii Sabtida ka dhacay miyiga Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud, isla-markaana lagu dilay haweeneyda lagu magacaabayay Madiina Jimcaale Wehliye.

Taliyaha Booliska Galmudug, Korneyl Khaliif Cabdulle Maalin ayaa galabta sheegay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen lix nin oo sida uu sheegay ka qayb qaatay falkaasi.

Taliyaha oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in eedeysaneyaasha laga soo qabtay Magaalada Muqdisho, halkaas oo sida uu sheegay ay u baxsadeen.

Taliyaha ayaa magacyada raggan ku kala sheegay Cabdikaafi Maxamed Axmed, Cabdullaahi Xasan Daahir, Maxamed Cabdi Cabdulle, Suudi Daahir Kaahiye, Qaasin Axmed Jimcaale iyo Maxamed Cabdi Xeedar.

"Lixdaas eedeysane waa dadkii gaystay falkii waxashnimada ahaa ee habeen dhaweyd ka dhacay meeshaas, waxaana lagu qabtay Magaalada Muqdisho." Ayuu yiri Taliyaha Booliska Galmudug.

Taliyaha ayaa u mahadceliyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir oo sida uu sheegay ka caawiyay in la soo xiro raggaasi.

"Waxaan runtii u mahadcelinaynaa dhammaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, qaasatan Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo naga gacan siiyay, nagana dhaxeyso eedeysaneyaasha xagga ka soo baxsanaayana inaan qabano, kuwa halkan ka tagaayana inay noo qabtaan." Ayuu yiri Korneyl Khaliif Cabdulle Maalin, Taliyaha Booliska Galmudug.

Korneyl Maalin ayaan wax sharaxaad ah ka bixin, sida ay raggaasi ugu soo baxsadeen Muqdisho, iyadoo weliba la ogyahay in ay gabaad u doonteen aagga Magaalada Ceelbuur oo Al Shabaab ay ka arrimiso.

Xubno ka mid ah raggan ayaa ku dhaawacmay weerar ay kala kulmeen maleeshiyaad kale, intii ay u cararayeen geeska bari ee Gobolka Galgaduud. Maleeshiyada wax weerartay ayaa la sheegay inay ka shakiyeen xawaarihii uu ku socday gaarigii ay maleeshiyadaasi ku baxsaneysay.

Ma cadda in Shabaabka cadaadis daaha gadaashiisa ah lagu saaray in maleeshiyadaasi ay ka soo eryaan deegaanada ay maamulaan.

Korneyl Maalin ayaa wuxuu leeyahay "Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa inaanan dembiileyaasha ka aqbaleen in inta dembi la sameeyo la ordo."

Galmudug ayaa wajaheysa mowjado dilalka aanooyinka beelaha ah, oo muddooyinkanba ku soo badanayay deegaanadeeda.