NISA oo sheegtay in duqayntii Ceelbaraf lagu dilay horjoogeyaal Shabaab ah

Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa war ka soo saartay hawlgal xagga cirka ah oo ay iska kaashadeen saaxiibada caalamiga ah, lagana fuliyay deegaanka Ceelweyne oo hoostaga Degmada Ceefbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Hay'adda NISA ayaa sheegtay in duqayntaasi lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab. NISA ayaa sheegtay in duqaynta lagu dilay 23 nin oo sida ay sheegtay isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad.

"Waxaa halkaas lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta, iyadoo la dilay 23 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad." Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay in hawlgalka la qaaday, ka gadaal markii la xaqiijiyay in Al Shabaab ay maleeshiyadeeda isugu keentay goob ay maalmihii la soo dhaafay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen, si ay halkaas uga dhigtaan gabaad ay ka soo abaabulaan weerarada ay ku carqaladeynayaan amniga.

"Hawlgalkan ayaa la qaaday, ka dib markii la xaqiijiyay in argagixisadu ay maleeshiyaadkooda isugu keentay goob ay maalmihii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen, si ay halkaas uga dhigtaan gabaad ay ka soo abaabulaan falal lagu carqaladeynayo amniga. 30-kii October 2025 waxaa sidoo kale goobtan ka dhacay hawlgal midkan la mid ah, kaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyay Khawaarijta." Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay NISA.

NISA ayaa waxay sheegtay in weerarku aanu waxyeelo ka soo gaarin dadka rayidka ah.

Dadka ku dhaqan Degmada Ceelbaraf ayaa xalay fiidkii soo wariyay in duqayn xoogan lagu bartilmaameedsaday xarumaha ay Al Shabaab ku leedahay degmadaasi.

Dhowr jug oo waaweyn ayaa laga maqlay magaalada iyo deegaanada hoostaga, sida ay xaqiijiyeen dadka degan.