Dilalka qodxaha leh ee Gobolada Dhexe oo caqabad ku ah Galmudug

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa bartanka kaga jirta xaalad aan horey loo arag, taas oo ka dhalatay kororka dilalka aanooyinka beelaha ee ka jira qaybo ka mid ah Gobolada Galgaduud iyo Mudug, haba ugu darnaatee Galgaduud.

Xiisadda ka dhalatay dilalkan ayaa cirka isku shareertay, ka dib markii 8-dii bishii October hooyo iyo saddex hablood oo ay dhashay la sheegay in lagu dilay meel u dhow deegaanka Qaayib oo hoostaga Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud.

Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa lagu eedeeyay in aysan si sax ah u qaban maxkamadeynta saddex nin oo falkaasi loo soo xiray, tanina waxay ka carreysiisay dad badan, iyadoo markii horeba ay carro baahsan ka taagneyd dilka hooyada iyo gabdhaheeda.

Kooxo hubeysan oo la aaminsan yahay in ay caddaalad darro tirsanayaan ayaa xalay miyiga Degmada Baxdo waxay ku dileen hooyo, iyagoona dhaawacay wiil ay dhashay. Meydka hooyadan iyo dhaawaca wiilkeeda oo la keenay Baxdo ayaa looga sii qaaday dhinaca Magaalada Cadaado, maantana caddayn muujinta dhibka gaaray loogu soo bandhigay laamaha amniga.

Arrintan ayaa waxay ka carreysiisay maleeshiyaadka beesha ee aadka u hubeysan, iyagoona ku hanjabay in ay gacantooda sharciga ku qaadan doonaan oo khalad ay khalad ku sixi doonaan, haddii aanu maamulku si degdeg ahi gacanta ugu soo dhigin kooxihii falkaasi gaystay.

Odayaasha iyo waxgaradka reer Cadaado iyo Baxdo ayaa Madaxda Galmudug ugu baaqay in ay u dhaqaaqaan, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa cid kasta oo falkaasi ku lug leh, si loo dejiyo dareenka dadka deegaanka ee kacsan.

Odayaasha ayaa maleeshiyada deegaanka uga digay in ay wax xadgudub ahi gaystaan iyo in aan xaaladda taagan looga sii darin, inta maamulku uu tallaabo u qaadayo xagga kooxihii dilay marxuumad Madiina Jimcaale Wehliye, isla-markaana dhaawacay wiilkii ay dhashay.

Odayaashu waxay u muuqdaan kuwo fursad siinaya maamulka, xilli rajo xumo laga muujinayo, sida maamulku uu ku soo qaban karo kooxahaasi, maadaama la fahamsan yahay in ay u tallaabeen dhinaca geeska bari ee Gobolka Galgaduud, oo maleeshiyada Al Shabaab ay ka arrimiso.

Cabsida ay dadka muujinayaan ayaa ah in haddii maamulku uu ku guuldarreysato soo qabashada kooxahaasi ay u dhintaan haween aan waxba galabsan amaba cid kale oo aan wax dembi ahi gaysan.

Haweenka reer Galmudug waxay dareemayaan walaac dhinaca amniga ah, waana dhaqan ku cusub bulshada Soomaaliyeed in hooyooyinka la dilo.

Maleeshiyaadka beelaha ee dilalka gaysta, weligoodba waxay beegsan jireen ragga, taasna waxaad mooddaa in dadku aysan wax dan ahi ka geli jirin, laakiin midda qof walba taabatay ayaa ah in lagu soo noqdo haweenkii iyo carruurtii aan la taaban jirin.

Xaaladdan ka jirta bartamaha dalka ayaa loo arkaa mid kala fogeynaysa beelihii walaalaha ahaa ee muddada dheer soo wada jiray, naceyb aan la arkina uu dhexdooda ka abuurmo, waana xaalad khatar ah oo xadideysa in dadku is dhex socdo.

Dilalkan qodxaha leh ee soo kordhay ayaa lagu sheegay mid caqliyadda Soomaalida ka dhigeysa mid aad u hooseysa, haddiiba qaar ka mid ahi ay ku fekerayaan in ay dilaan hooyooyinka iyo barbaarta. Ilaalinta haweenka iyo dhallinta ayaa ku xiran jiritaanka qowmiyadeed ama bulsho.

Maleeshiyaadka qabaa'ilada, kala celintooda iyo in sharciga lagu qaado kuwooda dilalka gaysta ayaa wiiqaya horumaradii ka jiray deegaanka, maadaama ay istaajinayaan howlihii shaqo ee maamulka. Waxay kaloo carqaladeynayaan diyaargarowgii socday ee ciidamada loogu diyaarinayay guluf cusub oo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug iyo maamulkiisa ayaa dhexda kaga jira badweyn ay tahay inay ka dabaashaan.