Dharcadka Muqdisho oo muhiim u noqday hawlgalada gaarka ee magaalada

Ciidanka Dharcadka ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho ayaa xudun u noqday hawlgalada gaarka ah ee lagu bartilmaameedsanayo shakhsiyaadka lala xiriiriyo inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al Shabaab.

Dowladda Federaalka ayaa daba-yaaqadii sanadkii 2022 bilowday in ay diiradda saarto wax ka qabashada baahida amni ee Caasimadda Muqdisho, waxayna Wasaaradda Amniga diiwaangelisay dadkii ugu ee ay Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) u qaadato inay ka mid noqdaan Ciidanka Dharcadka ee ay hay'addu leedahay, taasoo noqoneyso tiradii ugu badneyd ee NISA ay shaqaaleysiiso, tan iyo dib u yegleeliddii ee Dowladnimada Somaliya.

Hay'adda NISA ayaa bilowgii sanadkii 2023 dhowr kun oo dharcad ah ka hawlgelisay magaalada, ka dib markii siyaabooyin kala duwan looga soo xulay qaybaha bulshada, isla-markaana isugu jira rag iyo dumarba.

Xoogaga Qarsoon ayaa wixii xilligaasi ka dambeeyay bilaabay in ay isha la raacaan shakhsiyaadka lagu tuhmi karo in ay khatarta ku yihiin nolosha bulshada, si looga hortago dilalka iyo qaraxyada ay suurtagalka tahay inay ka gaysan karaan magaalada.

Xoogagan ayaa ku shaqeeya si qarsoodi ah oo aan la garan karin, mana jirto cid ogaan karta inay yihiin shaqaale dowladeed, xitaa xubnaha qoysaskooda, inay iyagu isa sheegaan mooyee. Ma lahan wax sumad ah oo lagu garan karo, intooda badana ma hubeysna, kuwooda hubeysana waxay wataan bastoolado.

Xoogagan ayaa ku daadsan dhammaanba Degmooyinka Gobolka Banaadir, hadday noqoto xaafadaha, suuqyada iyo goobaha ay bulshada isugu timaado, si ay u indha-indheeyaan dhaqdhaqaaqyada ka jira iyo wixii ku soo kordhaba.

Iyadoo aan la argagax gelineyn bulshada, ciidamada hubeysan ee NISA ayaa xubnaha bartilmaameedka ah ka soo xira guryaha iyo xitaa haddii loo baahdo in magaalada laga soo dhex qabto, iyadoo la raacayo tilmaamaha iyo astaamaha ay soo gudbiyaan Dharcadka.

Ciidanka NISA ayaa beegsada cid kasta oo la soo farmuuqo, isla-markaana loo arko in ay caqabad ku noqon karto amniga magaalada.

Xubnaha la soo xiro waxay mararka qaarkood noqdaan kuwo ka tirsan Al Shabaab, sida lagu ogaado baaritaanada, isla-markaana ay saraakiishu kuu sheegayaan. Saraakiisha NISA oo hoggaaminaya baaritaanada ayaa sidoo kale kuu sheegaya in kuwa Shabaabnimada lagu wayo ay hay'adaha ammaanka dib xorriyaddooda u siiyaan.

Xoogaga Qarsoon ee NISA ayaa fududeynaya in si nidaamsan gacanta loogu soo dhigo shakhsiyaadka la doon-doonayo ee wax dhagri kara.

Wararka ayaa sheegaya in xoogagan ay hoos u dhigeen xorriyaddii ay Shabaabku ku dhex mari jireen qaybaha kala duwan ee magaalada iyo galaangalkii ay u lahaayeen inay si joogto ah weerarada uga gaystaan Muqdisho, marka aad eegto in looga daba tagey guryihii ay gabaadka ka dhiganayeen iyo in laga raadraacayo goobihii ay sahminta ka samayn jireen.

Xubnaha Shabaabka ayaa sanado badan si dhuumaaleysi ah ku imanayay magaalada, iyaga oo galaangal u lahaa inay sahansadaan goobaha ay doonayaan inay dilalka abaabulan iyo qaraxyadaba ka gaystaan, waxaana haatan muuqato inaysan nafis ku dareemeen joogitaankooda Muqdisho.

Maleeshiyada Shabaabka iyo kuwa kale ee Shabaabnimada looga shakiyo ayaa la soo xiraa, iyadoo aysan garaneyn cidda soo sheegtay ee markii horeba dusha kala socotay.

Amniyaadka Shabaabka ee fuliya dilalka qorsheysan, isla-markaana weli sida xeeladeysan isugu qarinaya gudaha magaalada ayaa ka dhaqaaqi la' Dharcadka, mararka qaarkoodse waa suurtagal ah in ay dilal dhif ka gaystaan magaalada, laakiin ay meesha ka baxeen dilalkii is daba jooga ahaa ee ay Muqdisho ka gaysanayeen.

Muqdisho waxay saddex sano ka hor ahayd magaalada ay falalka ugu badan ee amni darrada ay Shabaabku ka gaystaan, tiiyoo ay dadku qirayaan in maanta shaqo badan laga qabtay.

Ciidanka Dharcadka ee sida firfircoon uga hawlgelaya Muqdisho, kaamirooyinka lagu xiray waddooyinka iyo amniga kontoroolada laga soo galo magaalada ee la adkeeyay ayaa loo tirinayaa is bedelkan amni ee reer Muqdisho ay mahdinayaan.