Deni oo sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka doorashooyinka

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo ka falcelinaya xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay khilaafka ka taagan nooca doorasho ee dalka laga qabanayo ayaa sheegay in Puntland aysan qayb ka noqon doonin in meesha laga saaro hannaanka dowlad-dhiska ee heshiiska lagu yahay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in taasi bedelkeeda ay Puntland diyaar u tahay inay ka qayb qaadato, sidii lagu gaari lahaa heshiis siyaasadeed oo dalka loogu jiheynayo in laga qabto doorasho heshiis lagu yahay.

"Dowladda Puntland marna ma aqbaleyso, qaybna kama noqoneyso in meesha laga saaro hannaanka dowlad-dhiska heshiiska lagu yahay ee federaaliga ah, uuna saldhigga u yahay Dastuurka KMG ah ee 2012, waxayse diyaar u tahay inay qayb ka qaadato, sidii lagu gaari lahaa heshiis siyaasadeed oo suuragelin kara doorasho heshiis lagu yahay oo hay'adaha federaalka ah." Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri "Dowladda Puntland iyadoo ka duuleysa Qodobka 48aad ee Dastuurka KMG, waxay aaminsan tahay in dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay si xor ah ugu dhaqmaan dastuurkooda, Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalkana ka daayo fara-gelinta iyo jujuubka siyaasadeed ee uu ku hayo."

Deni ayaa saaxiibada caalamiga ah ugu baaqay inay gacan ka gaystaan in si degdeg ah loo joojiyo damaca uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu muddada ku dheereysanayo.

"Dowladda Puntland waxay Beesha Caalamka ugu baaqeysaa inay gacan ka gaystaan in si degdeg ah loo joojiyo damaca waalida ah ee Xasan Sheekh Maxamuud oo raba inuu afduub siyaasadeed ku sii joogo Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, lagana wada shaqeeyo sidii loo gaari lahaa heshiis siyaasadeed oo suuragelin kara doorasho heshiis lagu yahay, lagana hortago sii socosho firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni." Ayuu yiri Deni.

Deni ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu maanta ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 58aad ee Baarlamaanka Puntland.