Saraakiisha Militariga oo la kulmay laamaha amniga ee Baydhabo

Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Isaaq Aadan Berdaale ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulanka oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan Baydhabo ayaa waxaa lagu soo martiqaaday Saraakiil ka kala tirsan Asluubta, Booliska, Nabad Sugidda iyo Birmadka Koonfur Galbeed, iyadoona saraakiishii ka qaybgashay uu ka mid ahaa Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Baay, G/dhexe Sadiiq Aadan Cali (Doodisho).

War ka soo baxay Taliska Qaybta 60aad ayaa lagu sheegay in Saraakiisha ay ka arrinsadeen xaaladda amni ee magaalada iyo sidii ay wada-shaqayn dhow u yeelan lahaayeen hay'adaha amniga.

"Sidoo kale, kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo amniga guud, lana kordhiyo feejignaanta ciidamada, si looga hortago fal kasta oo khatargelin kara nabadgelyada shacabka iyo xasilloonida magaalada." Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa intaasi ku daray "Saraakiisha iyo masuuliyiintii kulanka ka qaybgashay ayaa isku raacay in si adag looga hortago dhaqamada amniga wax u dhimaya, gaar ahaan rasaasta macna darrada ah ee mararka qaar lagu rido gudaha magaalada, taas oo halis ku ah nolosha shacabka, waxaana ciidamada lagu booriyay inay sii laba jibaaraan dadaalada lagu xaqiijinayo amni waara iyo kala dambayn buuxda oo ka hanaqaadda guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed."

Taliska Qaybta 60aad ee Militariga Somaliya oo fadhigiisu yahay Magaalada Baydhabo ayaa amar ka haysta Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), kaas oo Khamiistii faray in la bilaabo hawlgalo lagu xaqiijinayo nabadgelyada deegaanada Koonfur Galbeed, isla-markaana la isugu furayo waddooyinka degmooyinka.

Aadan Madoobe ayaa waxaa macno u sameynaya in wax laga qabto dhibaatooyinka amni ee ka jira Baydhabo, taasoo ah shaqada ugu weyn ee hadda hortaalla maamulkiisa.

Tan iyo markii Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay awoodda ka tuurtay Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), xaaladda amni ee Baydhabo ayaa ahayd mid gebi dhacleynaysa.

Aadan Madoobe ayaa la sheegaya in uu qiimo badan ku bixin doono dadaalada lagu xaqiijinayo amniga magaalada, si meesha looga saaro walaaca amni ee ay qabaan dadka deegaanka, isla-markaana uu maamulkiisu uga gudbo mid ka mid ah caqabadaha horgudban.