Dowladda Federaalka oo laga yaabo inay ka baaqsato dagaalka Dhuusamareeb

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa culeys lagu saarayaa inay ka laabato qorshaha ay ku dooneyso inay ciidamadeeda kula wareegaan gacan ku haynta Magaalada Dhuusamareeb, oo keeni kara in dagaal uu ka dhaco Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Magaalada ayaa waxaa dhowrkii maalmood ee u dambeeyay ka jiray abaabul iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda, iyadoo Madaxtooyada Galmudug ay isku dayeyso in ay difaacato gacan ku haynta magaaladaasi.

Tani ayaa xiisad aan caadi ahayn ka abuurtay magaalada, waxayna welwel xoogan ku abuurtay dadka deegaanka iyo in beesha Dhuusamareeb ay ka hortimaado in lagu dagaalamo gudaha magaalada, si looga fogaado burbur, dib-u-dhac siyaasadeed iyo mid amni.

Odayaasha iyo waxgaradka beesha Cayr ee Habargidir ayaa xalay fiidkii soo saaray bayaan ay gebi ahaanba ku diidan yihiin in xabad laga rido magaalada, ka dib markii ay Muqdisho ku yeesheen kulan ay kaga arrinsanayeen xaaladda xasaasiga ah ee taagan.

"Beesha Cayr waxa ay garwaaqsatay in ay jiraan khataro saamayn ku yeelan kara nabadda, xasilloonida iyo midnimada guud ee Somaliya, gaar ahaan Galmudug." Ayaa lagu yiri bayaanka.

Iyadoo beesha ka duuleyso masuuliyadda ka saaran ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo wadajirka dadka reer Galmudug ayaa waxay ku baaqday "In Dowladda Federaalka Somaliya, Dowlad Goboleedka Galmudug iyo dhammaan waxgaradka deegaanku inay mudnaanta koowaad siiyaan, isla-markaana xil gaar ah iska saaraan ilaalinta nabadgelyada, xasilloonida, midnimada iyo wadajirka Galmudug.

Maadaama uu dhamaaday muddo xileedkii sharciga ahaa ee Maamulka Galmudug, dalkuna galay marxalad kala guur siyaasadeed ah in si degdeg ah loo qabto doorasho madaxbannaan, loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay, isla-markaana daahfuran.

Beeshu waxay adkeynaysaa in laga fogaado wax kasta oo horseedi kara gacan ka hadal, xiisad siyaasadeed ama qalqal amni oo saamayn taban ku yeesha nabadda, xasilloonida iyo wadajirka Galmudug. Sidoo kale khilaaf kasta oo la xiriira arrimaha doorashooyinka waa in lagu xaliyaa wada hadal, is afgarad siyaasadeed iyo hannaan nabadeed, oo ay qayb ka yihiin dhammaan saamileyda Galmudug."

Dhanka kale odayaasha iyo waxgaradka beesha Dhuusamareeb ayaa xalay ku guuleystay inay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ku qanciyaan in la celiyo ciidamo ka soo ambabaxay Degmada Cadaado, kuna soo wajahnaa Dhuusamareeb, si loo taageero dadaalada nabadda ee socda.

Wararka ayaa sheegaya in beeshu ay sidoo kale Dowladda Federaalka ku cadaadineyso inay joojiso ciidamada ay ku soo daabuleyso magaaladaasi iyo in kuwa magaalada ka jooga ay joojiyaan dhaqdhaqaaqa ay ka wadaan.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh ay Jimcihii khadka telefoonka ku wada hadleen dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isla-markaana uu Geelle codsaday in xiisadda Galmudug lagu dhameeyo wada hadal.

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxaa Dhuusamareeb ka jooga ciidamo militari ah oo ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika ee Hawlgalka AUSSOM. Militariga Jabuuti ayaa howlo nabad ilaalin ah u jooga Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb.

Xukuumadda Djibouti ayaa la sheegaya in aysan dooneyn in ciidamadeeda ay goobjoog ka noqdaan meel ay ku wada dagaalamayaan Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya ee ay ahayd inay la dagaalamaan Al Shabaab.

Cadaadiska Villa Somalia lagu saarayo inaanan loo baahneyn dagaal ka dhaca Dhuusamareeb ayaa Madaxda Qaranka ku riixi kara in dagaalka lagu bedelo wada hadal iyo gorgortan siyaasadeed oo muhiim u ah maareynta khilaafaadka.