General Cirro oo kulan la qaatay saraakiishii hoggaamineysay dagaalka lagu difaacay Baydhabo

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) oo uu wehliyo Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Isaaq Aadan Berdaale ayaa Xarunta Taliska Qaybta 60aad kula kulmay saraakiishii hoggaamineysay dagaalkii saaka ee magaaladaasi dib looga saaray ciidamada taageersan Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

War ka soo baxay Taliska Qaybta 60aad ayaa lagu sheegay in kulanku uu ku saabsanaa is xogwareysi iyo qiimayn ku aaddan guulaha laga gaaray dagaalkaasi.

"Kulanka ayaa diiradda lagu saaray guulihii laga gaaray hawlgalada, qaabka loo fuliyay dagaalada iyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaalada lagu xaqiijinayo amniga iyo ciribtirka kooxaha cadowga ah." Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa intaasi ku daray "Saraakiisha hoggaamineysay hawlgalada ayaa Taliyeyaasha uga warbixiyay natiijooyinkii laga gaaray dagaalada iyo geesinimada ay muujiyeen Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed."

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in General Cirro uu dalbaday kulan degdeg ah inuu la qaato Saraakiisha Ciidamada, ka dib markii dagaalkii maanta ka dhacay magaaladaasi uu muujiyay daldaloolada dhinaca amniga ee ka jira Baydhabo.

Cidina ma fileynin in ciidamada Laftagareen ay awoodi doonaan inay si nabad ah ku soo gaaraan bartamaha Baydhabo, halkaasna uu ka bilowdo dagaalkii Sabtidan ka dhacay magaaladaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo Booliska Baydhabo ayaa dagaalka xooggiisa ciidamadaasi kula galay aagga Isgoyska Afar Irdoodka, oo ah xudunta magaalada.

General Cirro oo toddobaadkii saddexaad ku sugan Baydhabo ayaa magaalada u jooga inuu qaabeeyo, isla-markaana uu nashqadeeyo amniga magaaladaasi, muddada ka harsan Doorashada Hoggaanka Koonfur Galbeed ee la qabanayo 10-ka bisha June.