Kooxo hubeysan oo weeraray xarun ganacsi oo ku taala Boosaaso

Kooxo hubeysan ayaa xalay weeraray xarun ganacsi oo ku taala Magaalada Boosaaso, iyadoona weerarkaasi uu gaystay khasaare naf iyo maalba leh.

Kooxahan ayaa la sheegay in bilowgiiba ay toogasho ku dileen waardiyihii Al Macruuf Supermarket, ka dibna ay bambaanooyin ku tuureen gudaha goobtaasi ganacsi.

Dhismaha xaruntan ganacsi ayaa waxaa ka kacay dab xoogan, oo sida la sheegay ka dhashay bambaanooyinkii lagu tuuray. Dabka ayaa khasaare lixaad leh oo hantiyadeed u gaystay meheradaasi.

Tiro ka mid shaqaalihii Al Macruuf Supermarket ayaa ku neef qabatoobay dabkaasi, iyadoona lagu guuleystay in dibadda looga soo saaro dhismahaasi, qaarkood ayaana la dhigay goobaha caafimaadka ee magaalada.

Duqa Magaalada Boosaaso, Xasan Cabdalla Xasan oo goobtaasi gaaray ayaa soo arkay khasaaraha baaxadda leh ee gaaray ganacsatada xaruntaasi ganacsi.

"Dhib weyn baa ka dhacay Magaalada Boosaaso, dhibtaas oo ah in Macruuf Supermarket ay soo weerareen dad lugooyo iyo dhibaato ku hayay awalba dadka iyo deegaanka. Dadkaasi waxay gaysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, labadaba." Ayuu yiri Duqa Boosaaso.

Duqa Boosaaso oo Warbaahinta la hadlay ayaa ganacsatadaasi Alle uga baryay in bedel wanaagsan uu siiyo, isagoo dhanka kale dadka reer Boosaaso kula dardaarmay in ay taxadar badan muujiyaan.

"Waxaan rajeynayaa in dadka magaalada ay taxadar badan muujiyaan, weliba goobaha muhiimka ah ee ganacsiga iyo howlaha kaleba ay ka jiraan, in si gaar ah taxadar loo ahaado." Ayuu yiri Duqa Boosaaso.

Duqa Boosaaso ayaa intaasi ku daray "Dowladda, ciidanka iyo maamulkuba ayaguna howsha ku aaddan Insha'Allah way dardargelin doonaan, waxaana rajeynaynaa in la iskaashado."

Al Macruuf Supermarket waa mid ka mida goobaha ganacsi ee ugu waaweyn Magaalada Boosaaso, waana goobtii uu ka dukaameystay Madaxweyne Cabdullaahi Farmaajo 12-kii bishii January ee sanadkii 2018, markaas oo socdaal uu ku marayay deegaanada Puntland.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee ceynkiisa ah oo lagu qaado xarun ganacsi oo dalka ku taala, waxaana illaa iyo hadda jirin cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.