Nuur Dheere "Gantaal ayaa lagu dhuftay Saraakiisha Shabaab ee lagu dilay G/hiiraan"

Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Maamulka Gobolka Hiiraan, Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere) ayaa faah faahin ka bixiyay hawlgalka gelinkii dambe ee maanta ka dhacay gobolkaasi, laguna beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, oo Saraakiil ay ku jiraan.

Dowladda Federaalka ayaa iyadu warsaxaafadeed ku sheegtay in hawlgal ka dhacay deegaanka Buurweyn, oo 23km dhanka waqooyi galbeed kaga beegan degmadaasi lagu dilay 10 xubnood, oo ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan Shabaabka.

Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in hawlgalku uu ahaa duqayn ay fulisay diyaarad ay leeyihiin saaxiibada caalamiga.

"Waa hal gaari waxa la beegsaday, shan iyo toban qofoodna way ku dhimatay." Ayuu yiri Gudoomiyaha.

"Gantaal ayaa lagu dhuftay gaari socdo oo Khawaarijta wadato." Ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaasi ku daray inaanay cidina ka badbaadin xubnihii la socday gaariga la weeraray.

Gudoomiye Nuur Dheere oo Warbaahinta Dowladda la hadlay ayaa tilmaamay in gaariga uu ku sii jeeday dhanka deegaanka Buqda.

Warsaxaafadeedka Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in xubnaha la weeraray ay la socdeen gaari uu leeyahay Madaxa Xisbada Al Shabaab ee Gobolka Hiiraan, kaas oo magaciisa lagu sheegay Ibnu Bashiir. Xisbada waa maleeshiyada sida booliska oo kale u tababaran.

Dowladda ayaa xubnaha hawlgalka lagu dilay ku sheegtay "Waxaa hawlgalkan lagu dilay Horjoogihii Guud ee Caafimaadka maleeshiyada ay ugu yeeraan Xisbada Gobolka Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Muxsin iyo Horjooge Anas, oo ahaa Horjoogihii isla maleeshiyadaas u qaabilsanaa aagga Jalalaqsi, sidoo kale waxaa hawlgalkan lagu dilay maleeshiyaad kale oo saarnaa gaariga iyo kuwa joogay halka uu hawlgalka ka dhacay."

Ma cadda dalka laga leeyahay diyaaradda gaysatay duqayntan, balse duqaymaha ceynkani oo kale ah ayaa waxaa aalaaba dalka ka gaysta diyaaradaha drones-ka ee laga leeyahay dalkaasi Mareykanka.