Somaliya iyo Cuba oo dib u soo celinaya xiriirkooda diblomaasiyadeed

Dowladaha Somaliya iyo Cuba ayaa dib u soo celinaya xiriirkooda diblomaasiyadeed, ka dib muddo dheer oo uu go'naa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Cuba u soo magacawday dalka, Danjire Juan Manuel Rodríguez.

Wasiirka ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in labada dal ay sii amba-qaadi doonaan xiriirkooda diblomaasiyadeed, ee jiray intii u dhaxeysay sanadihii 1972 illaa 1977.

"Ka dib markii la aasaasay xiriirkeena diblomaasiyadeed, intii u dhaxeysay 1972-1977, waxaan soo dhaweynaynaa dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Cuba oo lagu maamulayo iskaashi iyo is ixtiraam." Ayuu yiri Wasiir Huruuse.

Labada dal ayuu xiriirkooda xumaaday, intii uu socday dagaalkii Somaliya iyo Itoobiya, ka dib markii Cuba ay la soo safatay dhinaca kale.

Danjire Rodríguez ayaa sidoo kale ah Danjiraha Cuba u jooga dalka Kenya.