Madaxweyne Putin oo ku dhawaaqay in gantaalada nucyear-ka ay ku rakibayaan Belarus

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa xalay ku dhawaaqay in gantaalada hubka wax gumaada ee nuclear-ka ay gayn doonaan dalka ay deriska yihiin ee Belarus.

Madaxweynaha Ruushka oo ka soo muuqday Telefishinka Qaranka ee dalkaasi ayaa sheegay in Moscow ay heshiis la gashay Belarus, si dalkaasi ugu yeelato saldhig hubka nuclear-ka ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay inaanu heshiiskan jabin doonin heshiisyada caalamiga ee lagu xakameynayo in nuclear-ku aanu ku faafin dunida.

"Heshiiskan lala galay Belarus ma jabin doono heshiisyada ka hortagga nuclear-ka. Mareykanka ayaa tobanaan sano ka hor sidaan oo kale sameeyay, isagoo nuclear-kiisa geeyay dhulka xulafadiisa Yurub." Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa yiri "Waxaan ku heshiinay inaan sidaas oo kale samayn doono, annagoo aan ku xadgudbin waajibaadkeena caalamiga ah ee lagu xakameynayo nuclear-ka."

Madaxweyne Putin ayaa sheegay in Madaxweynaha Belarus, Alexander Lukashenko uu horey ugu soo hadalqaaday in hubka Nuclear-ka la dhigo dalkiisa, oo xad la leh dalka Poland oo xubin ka ah Gaashaanbuurta NATO.

"Ruushku wuxuu dhameystiri doonnaa dhismaha xarunta nuclear-ka ee Belarus, 1-da bisha July." Ayuu yiri Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka.

Madaxweynaha ayaa ku hanjabay in dagaalka Ukraine uu weji kale yeelan doono, haddii Kyiv ay Reer Galbeedka ka hesho gantaalada lidka taangiyada, waana xilli uu Ingiriisku sheegay in gantaaladaasi uu siin doono Ukraine.

"Dabcan, waxaa jira wax u baahan in Ruushku uu ka jawaabo, iyadoo aan la buunbuunin, waxaan haysanaa boqolaal kun oo madaafiic ah, welina ma aynaan isticmaalin.” Ayuu yiri Putin.

Tani ayaa imaanaysa, xilli ay sii kordheyso xiisadda Moscow kala dhaxeyso Reer Galbeedka ee ku aaddan dagaalka Ukraine iyo suurtagalnimada in Ruushku uu adeegsan karo hub nuclear ah.