Mareykanka oo Ukraine siiyay gantaalaha ridada dheer ee ATACMS

Mareykanka ayaa qirtay in si qarsoodi ah uu Ukraine u siiyay gantaalaha ridada dheer ee ATACMS, si ay isaga caabiso weerarada xoogan ee kaga imaanaya Ruushka.

Gantaalahan ballaastikada ah ayaa qayb ka ahaa kaalmo militari oo gaareysa saddex boqol oo milyan oo dollar ($300M), oo Madaxweyne Joe Biden uu bishii March saxiixay in la siiyo Dowladda Ukraine.

Gantaalahan ayaa la sheegaya in bishan April ay gaareen dalka Ukraine, ayna Ciidamada Ukraine illaa iyo hadda adeegsadeen hal jeer, iyagoo toddobaadkii hore u adeegsaday garoon diyaaradeed oo Ciidamada Ruushka ay ku leeyihiin gobolka la haysto ee Crimea.

"Waxaan xaqiijin karaa in Mareykanku uu Ukraine siiyay gantaalaha ridada dheer ee ATACMS, iyadoona lagu siiyay amar uu bixiyay Madaxweynaha Mareykanka." Ayuu yiri Kuxigeenka Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Vedant Patel.

Afhayeenka ayaa sheegay in Washington ay bilowgii qarisay in gantaalahaasi loo diray Ukraine, iyadoo markaasi la ilaalinayo sugnaanshaha in gantaaladu ay gaaraan dalka Ukraine.

Ma cadda inta xabo ee gantaaladan ee la siiyay Ukraine, balse La taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, Jake Sullivan ayaa sheegay in Washington ay qorsheynayso inay Ukraine u dirto qaar kale.

Gantaalada casriga ah ee ATACMS ayaa gaari kara masaafo dhan 300km, waxayna xitaa garaaci karaan bartilmaameedyo ku yaala gudaha Ruushka.

Ruushka ayaa horey ugu hanjabay, haddii hub ay reer galbeedku soo siiyeen Ukraine lagu soo weeraro dalkiisa uu noqon doono dagaal toos ah oo NATO ay ku soo qaadday dhulweynaha Ruushka, jawaab adagna ay ka bixin doonaan.

Jake Sullivan, La taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka ayaa sheegay in Dowladda Ukraine ay ballanqaaday inaanay gantaaladan u adeegsan doonin, kuna weerari doonin dhulka Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa ku kalsoon in hadda ay is bedelo ka samayn doonaan goobta dagaalka, ka dib lixdii bilood ee la soo dhaafay oo looga gacan sarreyay.

"Hadda waxaan samayn doonnaa wax walba, si aan u soo kabano." Ayuu yiri Madaxweyne Zelensky.

Madaxweyne Zelensky ayaa dhawaan ka digay in Ruushku uu qorsheynayo in weeraradiisa uu ballaariyo, ka gadaal markii Ukraine ay lumisay Magaalada Avdiivka. 

Avdiivka oo ku taala Gobolka Donetsk ayaa bartamihii bishii February u gacan gashay Ciidamada Ruushka, balse Militariga Ukraine ayaa bishii xigtay ee March qirtay in laga la wareegay gacan ku haynta magaalada bariga dalkaasi ku taala ee Avdiivka.

Dhanka kale Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa xalay saxiixay dahkhli lacageed oo dhan shan iyo sagaashan bilyan oo dollar ($95B), oo la siinayo Ukraine, Israel iyo Taiwan. Miisaaniyaddan lacageed ayaa waxaa dhawaan ansixiyay Congress-ka Mareykanka. 

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in gargaarkan maaliyadeed uu taageero xoog leh siinayo bahwadaagta Washington, si ay isaga difaacaan buu yiri khatarta ay wajahayaan, una ilaaliyaan madaxbannaanidooda.

Biden ayaa intaasi ku daray in saacado gudahood ay dalka Ukraine ugu daabuli doonaan hub iyo qalab isugu jira nidaamka difaaca hawada, gantaalo iyo gawaarida gaashaaman, si Ukraine ay awood ugu yeelato inay iska difaacdo sida uu yiri hujuumka kaga imaanaya Ciidamada Ruushka.

Kaalmada militari ee ay Mareykanka iyo xulafada NATO siiyaan Ukraine ayaa Ruushka xujo kaga dhigtay in si dhakhsa ah uu u wada qabsado dhulka Ukraine, inkastoo uu muddo billooyin ah uu taageeradaasi kaga dhigo mid aan shaqeynayn.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegeysa in Ruushku uu mar hore soo afjari lahaa dagaalkan uu kula jiro Ukraine, haddii aysan galbeedka kaalmo militari siin lahayn Kyiv.

Ruushka ayaa adkeysi badan u leh hub kasta oo la soo siiyo Ukraine, isla-markaana ay uga la hortimaado furimaha hore, isagoona sii wada hiigsigiisa ah in uu ka takhaluso dowladda dalkan ay deriska yihiin ee xiriirka la leh quwadaha ay is hayaan.

Ruushka ayuu waqtiga ugu badan kaga lumaa hub illaa hub kale, muddada uu ku howlan yahay burburintooda, si aysan khatar badan uga la kulmin ciidamadiisa, waana tan gaabiska ka dhigtay qorshaha uu ku doonayo in uu xididada ugu siibo Dowladda Madaxweyne Zelensky, si uu dalkaasi uga dhiso dowlad ku afkaar ah.