Midowga Yurub oo Mareykanka ugu baaqay in si dhab ah wax looga qabto xaaladda Gaza
Midowga Yurub ayaa Mareykanka ku booriyay in si dhab ah loo wajaho wax ka qabashada masiibada bani'aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza, iyadoo Israel culeys lagu saarayo in ay joojiso xanibaadda ay ku hayso gargaarka bani'aadantinimo.
Mareykanka ayaa toddobaadkan Israel ka dalbaday inay muddo 30 maalmood ah sare ugu qaaddo helitaanka gargaarka bani'aadantinimo ee Gaza, ayna furto waddooyinka gargaarka, haddii kalena uu ka joojin doono qayb ka mid ah hubkii uu siinayay.
Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa saluug ka muujiyay 30-ka cisho ee Israel loo qabtay, isagoona sheegay in muddadaasi ay dad badan gaajo u dhiman doonaan, marka aad eegto cunto yarida ka jirta Marinka Gaza oo dhan, gaar ahaan waqooyiga Marinka Gaza, inkastoo Israel ay saacadihii la soo dhaafay fasaxday 50 gawaarida xamuulka ah oo gargaar geeyay halkaasi.
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in gargaarkan aanu wax badan ka tari karin baahida 400,000 oo qof oo ku go'doonsan qaybaha waqooyi ee Marinka Gaza, ka dib markii Israel ay horaantii bishan ay go'doomin guud gelisay halkaasi. Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa codsaday in la joogteeyo gargaarka.
"Mareykanku wuxuu u sheegay Israel inay hagaajiyaan kaalmada bani'aadantinimo ee Gaza, laakiin waxay dib u dhigeen hal bil." Ayuu yiri Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub.
"Dad aad u badan ayaa dhiman doona 30-kaasi maalmood, si loo hagaajiyo helitaanka gargaarka." Ayuu yiri Josep Borrell oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Brussels.
Borrell ayaa sheegaya in xaaladda taagan ay u baahan tahay in si degdeg ah wax looga qabto, iyadoo aanu dib u dhac jirin, culeyskana lagu kordhinayo Israel.
Reer galbeedka ayaa Israel ku cadaadinaya inay ogolaato in dunidu ay ka hortagto macluusha ay Hay'adda UNRWA ka digtay in dadka reer Gaza ay qarka u saaran yihiin.
Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin uu khadka teleefanka kula hadlay dhiggiisa Israel Yoav Gallant, isla-markaana uu ugu yeeray in gargaar macno leh uu toddobaadkan gaaro Gaza.
Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, Linda Thomas-Greenfield ayaa xalay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u sheegtay in ay isha ku hayaan, sida ay Israel wax uga qabaneyso masiibada bani'aadantinimo ee Gaza.
Haweeneydan ayaa sheegtay inaanan la aqbali karin in raashiinka loo adeegsado sida hub oo kale.
Muddada uu socdo dagaalkan, gargaarka naf badbaadinta ayaa Marinka Gaza ka noqday, waxa ay dadku ugu baahida badan yihiin.
Israel ayaa muddo dheer go'doomin ku haysay Marinka Gaza, taasoo dadka reer Gaza ka dhigtay kuwo ku tiirsan kaalmada bani'aadantinimo.