Mucaaradka Somaliya oo lagu wado inay soo saaraan go'aan ku aaddan 15-ka May

Siyaasiyiinta Mucaaradka Somaliya ayaa lagu wadaa inay soo saaraan go'aankooda ku aaddan, waxa dhacaya marka la gaaro 15-ka bishan May oo ku eg muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa la sheegaya in uu qaatay mowqif uu muddada ku dheereysanayo, taasoo ay si weyn uga soo horjeedaan saamileyda siyaasadda dalka.
Wariyeyaasha Magaalada Muqdisho ayaa soo sheegaya in Siyaasiyiinta Mucaaradka uu haatan kulan uga socdo Hotel Jazeera, ka dib kulamo wadatashi oo maalmihii ugu dambeeyay ay la lahaayeen Ururada Bulshada Rayidka.
Wararka ayaa sheegaya in Siyaasiyiinta Mucaaradka ay kulanka ka dib soo bandhigi doonaan nooca doorasho ee ay u arkaan in dalka laga qaban karo, si looga fogaado firaaq dastuuri ah.
Mucaaradka ayaa iyagu isku arka kuwo badbaadinaya geeddi-socodka dimoqraadiyadda Somaliya oo hubinti la'aan ay soo food-saartay, maadaama aanu jirin wax heshiis ah oo illaa iyo hadda laga gaaray nooca doorasho ee dalka laga qabanayo.
Walaaca ugu weyn ee dadka qaarkii ay hadda muujinayaan ayaa ah in mucaaradku ay dhankoodu iclaamiyaan inay qaban doonaan doorasho waqtigeeda ku qabsoomto amaba laga soo hormariyay midda ay Villa Somalia riixeyso, haddii aan laga fogaan waxa ay ka cabanayaan, oo ah in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay dib u dhigeyso in laga heshiiyo doorashada soo socota, iyadoo aanu jirin muddo kororsi.


