Siyaasiyiinta Mucaaradka oo war ka soo saaray xiisadda siyaasadeed ee dalka

Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka ayaa gelinkii dambe ee maanta war ka soo saaray xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay is mari-waaga muddooyinkii u dambeeyay ka taagnaa nooca doorasho ee dalka laga qaban karo.
Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in marka la gaaro 15-ka bishan May ay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u aqoonsan doonaan muwaadin la mid ah shacabka intiisa kale.
"Muddo xileedka dastuuriga ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya wuxuu ku egyahay 15-ka May 2026. Wixii maalintaasi ka dambeeya waxaan u aqoonsanaynaa Madaxweynaha inuu yahay muwaadin caadi ah oo la mid ah shacabka intiisa kale." Ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaanka ayaa lagu sheegay "Annagoo kaashanayna shacabka Soomaaliyeed, Dowlad Goboleedyada sharciga ah iyo xoogaga mucaaradka, waxaan hormuud u noqon doonnaa iska caabin nabadeed, abaabul dadweyne iyo wadatashiyo qaran, si dalka looga badbaadiyo firaaq dastuuri ah, loona helo dowlad wadata sharciyad ay ku meteli karto shacabkeeda."
Mucaaradka oo ka horyimid dastuurka cusub ee la ansixiyay ayaa bayaanka ku sheegay "Waxaan u aqoonsanahay dastuurka keliya ee sharciyadda leh inuu yahay midkii lagu heshiiyay sanadkii 2012, kaas oo lagu dhaariyay Madaxweynaha iyo Labada Gole ee Baarlamaanka iyo dhammaan hay'adaha kale ee dowladda. Waxa loogu yeeray wax ka bedelkii halka dhinac ahaa waa mid aan lahayn saldhig sharci, maadaama uusan marin habraac sax ah, heshiis siyaasadeed, wadatashi qaran iyo xitaa kooram buuxa."
Waxa kaloo bayaanka lagu yiri "Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo qabto Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada ee muddo dhaafka ah ee Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug, si waafaqsan dastuuradooda, isla-markaana in doorashooyinkaasi ay noqdaan kuwo loo dhan yahay, la isku raacsan yahay, laguna kalsoon yahay. Ma aqoonsanin waxa loogu yeeray doorashada magacaabista ah, maadaama haatanba natiijadeedu la sii ogyahay, sida midda hadda ka socota Koonfur Galbeed, taas oo aan waxba ka duwaneyn tii been abuurka ahayd ee Muqdisho ka dhacday December 2025."
Mucaaradka ayaa dalbaday in Doorashooyinka Heer Federaal ay yeeshaan tilmaamaha soo socda:-
(1) Waa in heshiis buuxa laga gaaro. (2) Waa in hufnaan iyo kalsooni sare ay wataan. (3) Waqti, amni iyo awood farsamo oo waaqici ah ay wataan. (4) In dalka oo dhan ay hal mar ka wada qabsoomaan. (5) In goobaha codbixinta la ballaariyo (6) Inaysan jirin cid xakamayn karta rabitaanka codbixiyaha.
Siyaasiyiinta Mucaaradka Somaliya ayaa waxay caddeeyeen inaysan aqbali doonin doorasho u xaglineysa dhinaca Madaxweyne Xasan Sheekh.
"Waxaan si cad u sheegaynaa inaanan aqbali doonin doorasho dambiil Dowlad Goboleed ku jirta ama mid uu natiijadeeda uu ku jiro computer-ka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu kaydsan yahay." Ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaanka ayaa intaasi ku daray "Waxaan ummadda Soomaaliyeed la wadaagi doonnaa muddo toddobaad gudihiis ah hannaan doorasho oo buuxiya shuruudaha iyo sifooyinka aan soo sheegnay."


