Qoyska Luul Cabdicasiis oo si adag u diiday inay mag/diyo qaataan

Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed oo ah haweeneydii uu saygeeda ku gubay Magaalada Muqdisho, markii dambena u geeriyootay dhaawicii dabkaasi ka soo gaaray ayay qoyskeeda si adag uga horyimaadeen inay diyo ama mag qaataan.

Aabe Cabdicasiis Maxamed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaysan wax wada hadal ah ka geli doonin caddaaladda gabadhooda.

Waxa uu sheegay in gabadhiisa ay weli ku jirto firinjeerka, isla-markaana ay doonayaan in mar qura la wada aaso iyada iyo ninkii ay gacantiisa sababsatay.

Marxuumadda oo 2-dii bishan ku geeriyootay isbitaalka ayaa tan iyo xilligaa ku jirtay qaboojiyaha, iyadoona ay qoyskeeda diideen in la aaso, illaa iyo inta ay caddaalad ka helayso.

Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu nolosha ku gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis ayaa 5-tii bishan laga soo qabtay Gobolka Mudug, isaga oo iminka ku xiran xabsi ay maamusho Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) oo ku yaala Caasimadda Muqdisho.

"Waxaa ayaan darro ah in dembiilaha diyaaradda hoosteeda loogu geeyo baabuur cusub oo qaboojiye leh, sidii marti sharaf la sugayo oo kale." Ayuu yiri aabaha dhalay marxuumadda.

Waxa kaloo uu yiri "Iyadoo la ogyahay in la soo qabtay oo uu ninkaa baxsaday, hadda dembiilihii aan sugeynay in isla markii maxkamad la soo taago, oo lala xareeyo gabadha oo 11 maalmood ku jirta firinjeerka ayaa la geeyay meel mukeyf leh oo uu ku raaxeysto, taas caddaalad ma ahan."

Cabdicasiis Maxamed ayaa Hay'adda NISA ku dhalleeceeyay in eedeysanaha ay ula tacaaleyso, sidii nin dalxiise oo kale ah, isla-markaana uusan u ekeynba qof maxbuus ah.

"Caddaaladda aan filaayay ma ahayn intaan inay gabadhayda ku jirto firinjeer, isagana qol mukeyf leh la geliyo oo loola dhaqmo, sidii nin dalxiise oo kale ah. Gacanta Nabad Sugidda ayuu ku jiraa ayaa la yiri, maxaa loogu dhegan yahay? Nabad Sugidda maxay u heynaysaa ninka gabadhayda ay caddaaladda ka sugeyso." Ayuu yiri Cabdicasiis Maxamed.

Isaga oo sii hadlayay ayuu yiri "Dembiga waa qiraal, wuu qirtay, waana cad yahay, sababta Nabad Sugidda ay ugu dhegan tahay, aniga ma sheegi kari. Koley waxbaa iska jirjiro, waana laga dheregsan yahay, ma rabo inaan ku fogaado."

Cabdicasiis Maxamed ayaa intaasi ku daray in Dowladda Federaalka ay uga fadhiyaan in caddaaladda la marsiiyo eedeysanaha, isla-markaana aysan jirin wax kale oo ay ku qanci karaan.

"Wax la dhaho ma jiraan diyo ama wada hadal, waxaan ka sugeynaa in degdeg gabadhan caddaalad loogu helo." Ayuu yiri Cabdicasiis Maxamed.

Luul Cabdicasiis oo ahayd hooyo xaamilo ah ayaa korsaneysay lix carruur oo agoon ah.