Ruushka oo la sheegay in ciidan hor leh uu geeyay bariga Ukraine

Wararka ka imaanaya dalka Ukraine ayaa sheegaya in Dowladda Ruushka ay ciidan dheeraad ah gaysay bariga dalka Ukraine, si ciidamadeeda ula wareegaan magaalooyinka dhaca bariga dalkaasi, oo ay ugu horreyso Magaalada Bakhmut 

Bakhmut oo ka tirsan Gobolka Donetsk ayaa waxaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay dagaalo lagu hoobtay, iyadoona Ruushku uu si weyn u go'doomiyay magaaladaasi.

Yevgeny Prigozhin, madaxa xoogaga calooshood u shaqeysatayaasha Ruushka ee Wagner ayaa sheegay in ciidamadiisu ay haatan si buuxdo ula wareegeen bariga magaaladaasi.

Xoghayaha Guud ee Gaashaanbuurta NATO, Jens Stoltenberg ayaa Arbacadii sheegay in Bakhmut ay u muuqato mid maalmaha soo socda geli doonta gacanta Ruushka.

"Waxa uu Ruushku wanaag ku waayay ayuu doonayaa inuu ku helo ciidamo fara-badan." Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee NATO oo intaasi ku daray "Xilligan waxaa laga yaabaa in Bakhmut ay ugu dambayntii geli doonto gacanta Ruushka maalmaha soo socda."

Saraakiisha Ukraine ayaa niyad xumo ka muujiyay weerarada har iyo habeen ee kaga imaanaya Ciidamada Ruushka, oo ay taageerayaan diyaaradaha dagaalka iyo ciidamada ku qalabeysan madaafiicda goobta & kuwa ridada dheer. 

Saraakiisha Ukraine ayaa laga soo xigtay in si maalinle ah ay daraasiin weeraro ah uga la kulmaan Ciidanka Dhulka Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa qabsashada Bakhmut ku tilmaamay waddo furan, oo Ruushka u suurtagelinaysa in uu la wareego magaalooyinka kale ee ku yaala bariga dalkaasi.

Dagaalka Bakhmut ayaa noqonaya mid ka mida furimihii ugu dhiig daadashada badnaa, uguna waqtiga dheeraa dagaalka ka socda dalkaasi oo sanadkiisii labaad galay.