Ruushka oo xaalad adag geliyay shacabka Ukraine qaybtood
In ka badan hal milyan oo qof oo Ukraaniyiin ah ayay soo wajahday koronto la'aan, ka dib markii Ciidamada Ruushka ay habeenkii Arbacada weerar ballaaran ku qaadeen xarumaha tamarta muhiimka ah ee dalka Ukraine.
Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in weerarkan uu noqonayo mid ka mid ah weeraradii ugu waaweynaa ee Ruushku ku qaado kaabeyaasha tamarka ee dalkaasi.
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa sheegay in weerarku uu jawaab u ahaa weerarkii Ukraine ay bartamihii bishan ku soo qaadday dalkiisa, iyadoo adeegsaneysa gantaaladii uu horey Mareykanka u siiyay ee ATACMS.
Madaxweyne Putin ayaa wuxuu sheegay in Militariga Ruushka ay garaaceen 17 goobood, oo isugu jira sida uu yiri xarumo ciidan, warshadaha difaaca iyo kaabeyaasha tamarta ee dalkaasi.
Wasiirka Tamarta Ukraine, German Halushchenko ayaa sheegay in weerarku uu si weyn u waxyeeleeyay xarumihii korontada, meelo badan oo dalka ka mid ahna uu madow ka jiro. Wasiirka ayaa xaqiijiyay in in ka badan hal milyan oo Ukraaniyiin ah ay soo wajahday koronto la'aan.
Volodymyr Zelensky, Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in Ruushku uu goobaha qaarkood u adeegsaday gantaalaha waaweyn ee sameeya firirka qaraxyada ee meelaha badan ku baaha. Madaxweynaha ayaa xusay in weerarku uu sii adkeynayo shaqada adeegyada gurmadka iyo inay injineeradooda si dhakhsi ah u hagaajiyaan quwadda korontada.
Korontada ayaa ka maqan gobolo badan, oo ay ka mid yihiin gobolada galbeedka dalkaasi dhaca ee Lviv, Volyn iyo Rivne, waxaana uu Madaxweyne Zelensky uu xaaladdan ku tilmaamay dhibaato fool xun.
Xilligan oo dalkaasi uu galay waqtiga jiilaalka, adeegga korontada ayaa ah waxa loogu baahida badan yahay dalkan, xilliyada qaboobaha.
Keliya weerarkan koronto la'aan ugama tagin qaybo badan oo dalkaasi ka mid ah, laakiin waxa uu sidoo kale uu curyaamiyay warshadihii gaaska farsameynayay meelaha qaarkood. Gaaska ayaa ah waxa ugu badan ee dadka dalkaasi ay cuntada ku karsadaan.
Heerka qabowga ee Ukraine ayaa toddobaadka soo socdo la filayaa in uu ka hoos maro darajada ugu hooseysa, tani oo dad badani ku cadaadineysa inay raadsadaan meelaha ay ka jirto tamarta korontada.
Dadka ayaan xilliyadan oo kale ka maarmi karin inay helaan diirimaad, si ay uga badbaadaan inuu wadnaha istaago, qabowga daran awgii.
Dowladda dalkaasi ayaa ku howlan in bal wixii karaankeeda ah ay wax ka qabato, sidii dib loogu soo celin lahaa awooddii tamarta, si aysan dadkeeda ugu la'an qabowga aadka u sii kordhaya.
Ukraine waxay ka mid tahay meelaha ugu qabow ee dunida, dadkuna ay adag tahay in koronto la'aan ay ku noolaadaan.